Gudoomiyaha W. Awdal Oo Dhagax Dhigay Dhisme Laga Hirgalinayo Dugsiga Sare Ee Sh. Cali Jawhar

Boorame (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Awdal oo uu weheliyo Maayarka Cusub ee Boorama ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhin doono dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar ee Magaalada Boorama.

Dhismahan oo ay iska kaashanayaan Wasaarda Waxbarashada iyo Hayada Merci Crops ayaa waxa ku lamaan dhisme kale oo dayr ah oo loo samaynayo dugsiga Aadan Isaaq ee isla magaalada Boorama.

Gudomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal Mud. Cumar Suldaan Indhomood oo ka hadlay madashan aya sheegay in dugsigan Sh. Cali Jawhar dhismahan laga dhisayo uu ahmiyada leeyahay waxana uu yidhi “ Waa dugsi taariikhi ah oo ay ka soo baxeen dad badan oo dalka magac iyo mansaba ku leh, waxa dugsiga ka dhisan dhismo wanaagsn, balse waxa jirta baahi loo qabo in ardaydu ay hesho meelo ay wax ku barao oo dheeri ah, waa sababtaasi mida aan u dooranay waxana aan rajaynayaa inay wax badan ka tarto koboca waxbarashada ee Dugsiga.

Eng. Ibraahim oo ka socday hayada Mercy Crops oo isaguna ka hadalay halkan ayaa yidhi “Wada jir ayaan anaga oo ka socona hayada Merci Crops iyo Wasaarada Waxbarashaduba u sahaminay inay baahi dhinaca fasalada ahi ka jirto dugsiga, sidaasi aawadeed, waxa aan go’aansanay inaan dhisno dhisme 4 fasal ah oo uu dugsigu yeesho, sidoo kale hayada Mercy Crops waxa ay dhisaysaa dhismaha dayrka dugsiga Aadan Isaaq ee Magalada Boorama.

Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda Dugsigan oo iyaguna ka hadalay madashan ayaa soo dhaweeyay dhismaha fasaladan cusub

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame