Golaha Deegaanka Baki Oo Doortay Maayar Iyo Maayar Ku xigeen Cusub

Baki (Somaliland.Org)-Xildhibaanadda Golaha Deegaanka ee degmadda Baki ee gobolka Awdal, ayaa maanta si rasmi ah u doortay Maayarkii iyo Maayar Ku xigeenkii cusbaa ee degmadaasi.

Fadhigan oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan 13-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Baki ka kooban yahay, waxa goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Awdal Axmd Xadi Sidci iyo Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Maxamuud Axmed Garaad.

Waxa Maayarka cusub ee degmadda Baki loo doortay Maxamed Axmed Caateeye (Marooro), halka ay Maayar ku xigeen uga doorteen Dayib Xasan Raagge.

Maayarka cusub iyo Maayar Ku xigeenkiisa ayaa Xildhibaanadda Golaha deegaanka uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen, waxaanay tilmaameen inay xilkooda u gudan doonaan si karti iyo daacadnimo leh.

Badhasaabka Awda Axmed Xadi Sidci iyo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo kulankan ka hadalay kula dardaarmay xildhibaanadan loo doortay xilka inay waajibaadkooda u gutaan si hufan.

Somaliland.Org/Hargeysa