Badhasaabka Salel Oo Daadifeeyay 10 Xildhibaan Oo Guri Saylac ku yaala isku doortay

Saylac (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed ayaa kulan sharci darro ah ku tilmaamay kulan ay khamiistii la soo dhaafay ay 10 Xildhibaan oo ka mid ah ee Golaha deegaanka Saylac ay ku sheegeen inay ku doorteen Maayar iyo Maayar Ku xigeenka degmadaasi.

Badhasaabka gobolka Salel waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu tafaasiil ka bixiyay sharciyadda ay Golaha deegaanku tahay inay ku doortaan Hoggaankooda, waxaanu yidhi “Xildhibaannadu markay soo baxaan ee maxkamaddu ku dhawaaqdo waxay maraan qaab sharciya oo ah sharciga gobollada iyo degmooyinka qodobkiisa 203 oo dhigaya in maxkamadda gobolku dhaariso guud ahaan tirada xidlhibaannadda soo baxay iyadoo goob-joog ka yahay Guddoomiyaha Gobolku intaasi dabadeed, waxaa loo gudbaya marxaladii isdoorashada.”

Nuur Cismaan oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanay u dhaarisaa iyadoo Guddoomiyihii Gobolku shirkaasi u hogaamiyo in ninka ugu da’da weyni xildhibaanadaasi shir gudoon u noqdo isla markaana halkaasi ay iska dhex doortaan Guddoomiyihii Golaha iyo Guddoomiye ku xigeenkii, sidaas ayay ku ansaxaysaa oo ay shaqada ku bilaabayaan Maayarka iyo maayar ku xigeenka cusub ee la doortay.”

“Haddii aan u soo noqdo arrintan Khamiistii dhacday waa ay ka duwanayd oo intay guri tageen ay iyagu leeyihiin ayay 10 Xildhibaan go’aan iska qaateen, waana baadil sharciga baalmarsan wax shaqeynayaa ma aha. Waxa doorashadoodu sharci noqonaysaa marka ay nidaamka xeerka maamulka gobolada iyo degmooyinka soo maraan,”ayuu yidhi Badhasaabka Salel. Sidoo kale badhasaabka gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed waxaa uu ka ka hadlay nabadgelyada gobolka oo uu tilmaamay inay guud ahaan wanaagsan tahay cidii ku xadgudubtana ay gacan bir ah ku qabanayaan.

“Xaalladda nabadgelyadu waa mid wanaagsan gacantana lagu hayo. cidna looga habran maayo sugideeda. waxaa kaliya ee dalkeenu ku amaanan yahay waa taasi cidii duulaan ku ah nabadgelyadaasi aynu ku soo caano malayna maaha mid laga aqbalaayo inay waxyeesho cidii ay doonto ha noqotee,”ayuu yidhi Badhasaabka Salel.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com