“Komishanku waxay ahayd Inay Is Casilaan Oo ay Ummadda Raali-geliyaan” Sh. Aadan Siiro

Hargeysa (Somaliland.Org)- Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray, ayaa maanta ugu baaqay Komishanka doorashooyinka Somaliland inay is casilaan dadweynahana raali-gelin ka siiyaan khaladaadkii ay galeen.

Sh. Aadan Siiro waxa uu sidaasi ku sheegay khudbadii salaada Jimcaha ee maanta oo uu ka jeediyay masaajidka Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.

“Nimankii Komiishanka ee aynu ogayn, ee dadka isku diray ee dhibka ina gaadhsiiyay ee ilaa maanta dhibaatadii taagan tahay, ayaa intay shir-jaraa’id iska qabteen yidhi annagu 100% arrinkii halkeedii ayaanu dhignay,”ayuu yidhi Sh. Aadan Siiro.

“ Kuwaa gaalada ee bilaa diinta ahi markay jabaan way iscasilaan,”ayuu intaasi raaciyay Sh. Aadan Siirro.
“ Komiishankana waxay ahayd inay iscasilaan oo ay umadda raali-galiyaan, maadaama oo talladii oo dhami khaldantay oo wixii ay keeneen oo dhami ay fowdo keeneen.”

Somaliland.Org/Hargeysa