Booliska Sool Oo Gacanta ku soo dhigay dabley dilal ka fulisay Laascaanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska laascaanood Cali Ismaaciil Faarax (Cali-qase) ayaa shaaca ka qaaday inay ku guulaysteen gacan ku dhigista koox dabley ah oo xalay dhaawacyo culus u geystay Xildhibaan C/Casiis Xuseen oo ka mid ah Golaha deegaanka Laascaanood oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE.

Taliyaha oo shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Laascaanood ayaa sheegay inay sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen isla kooxdii dhawaan khaarajisay Weriye Axmed Faarax Ilyaas oo gobolka Sool uga soo warami jiray Telefishanka Universal.

Cali Qase waxa uu u mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan magaaladda Laascaanood oo uu tilmaamay inay gacan weyn ka geysteen gacan ku dhigistii kooxahan dilalka waxshinimadda ah geystay.

“ Gacan ku dhiiglayaashii qaar ka mid ah kuwii hagayay meeshay dagaanaayeen wixiiba gacantaa lagu hayaa.

qaarna way maqan yihiin waa dabo joognaa, waxa faa’iido ah oo ka sii fiican labadii dil ee ku xigay dilkii C/raxmaan Ismaaciil Saleebaan iyo dilkii Axmed Faarax Iliyaas, waxaanu haynaa nin yidhi midna anigaa gacantayda ku dilay, midna kooxdayda ayaa fulisay,”ayuu yidhi Taliyaha Qeybta Booliska Sool.

Geesta kalena Xildhibaan C/Casiis Xuseen oo la sheegay in dhaawac culusi ka soo gaadhay weerarkaasi ayaa lagu dabiibayaa cisbitaalka Gar-gaar ee Magaaladda Hargeysa oo maanta la soo gaadhsiiyay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com