“Waa In Inteenii Doorashadda Wayday hanaysaa” Murashax Mawliid Qaro

Hargaysa(Somaliland.Org)- Mowliid Kayse Muxumed (Mowliid Qaro) oo ka mid ahaa musharixiintii Urur_Siyaasadeedka DALSAN, isla markaana ku hadhay tartankii doorashadii goleyaasha deegaanka ayaa ugu baaqay musharixiintii kale ee uu ka mid ahaa ee aan ku soo bixin doorashada inaanay samaynin wax khalkhal galinaya xasiloonida dalka maadaama oo dalka loo soo maray marxalad adag, maantana aynaan u baahanayn cid wax yeesha nabad-gelyada dalka.

Waxaanu u soo jeediyey musharixiintaaas aan ku guulaysan doorashada inay u hambalyeeyaan xildhibaannada guulaystay. Musharax Mowliid Qaro Waxa uu sheegay in doorashadii dalka ka qabsoontay Madmadow ku jiro waxaanu eedeeyay Gudida doorashooyinka qaranka.

waxa uu sheegay inay ka masuul yihiin ku shubashadaas guddiga doorashooyinku , waxaanu Sheegay inay ahaayeen guud ahaan musharixiintii isku soo taagay ka qaybgalka doorashadii ay ahaayeen 175 xubnood, lana doonayay inay ka soo baxaan 25 xubnood, iyagoo uu tilmaamay inay diyaar u ahaayeen inay guulaystaan iyo inay guul-daraystaanba, isla markaana waxa uu sheegay inay muujiyeen dedaal badan, sidii ay uga mid noqon lahaayeen musharixiinta ku soo baxa doorashada golaha deegaanka.

Musharax Mowliid Kayse (Qaro) waxa uu mar labaad carabka ku adkeyey qiimaha ay nabadgelyadu leedahay waxaana ka mid ahaa hadalladiisii. “Walaalayaal todobo xubnood oo Komishanka ahi qalad ay sameeyeen oo ay dalkooda iyo dadkoodaba ay ku gafeen, inaguna yeynaan qarankeena u dumin, waxaan leeyahay maanta kii caddaalad-daro tabanayoow Illaahaybaa caddaalada sugee dalkeena yaynaan rabshado galin.”

“Waxaan leeyahay aynu hambalyayno cidda magacyadoodu ku soo baxeen doorshadaas xaq ama xaq-darro haku soo baxaan.” Waxa Kale oo uu Mawliid Kayse u soo jeediyey Xildhibaannada cusub hadallo dardaarana iyo Waanaba isugu jira, isagoo xusay si haqab la’aan ah dadkooda iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan.

Somaliland.Org/Hargeysa