Obama Oo Dawladiisu u guntaday xakamaynta Hubka ku jira gacanta dadweynaha

USA (Somaliland.Org)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa weydiistay ku xigeenkiisa, Joe Biden, inuu la yimaado qorshooyin adag oo wax looga qabanayo dhibaatada hubka bisha soo socota.

Arrintan ayaa timid kadib dhacdadii Jimcihii oo nin dabley ah uu toogasho ku dilay 20 caruur ah iyo lix qof oo kale iskuul ku yaal magaalada Newtown ee gobolka Connecticut.

Mr Obama, ayaa waxa uu sheegay inuu isticmaali doono dhammaan awoodda uu leeyahay xafiiskiisa si wax looga qabto dhibaatada. Laakiin waxa kale oo uu sheegay inuu u baahan yahay taageerada dadka Mareykanka.

Mr Biden waxa uu hoggaamin doonaa koox eegi doonta xakameynta qoryaha iyo arrimaha la xidhiidha oo ay ku jiraan helitaanka daryeelka caafimaad ee dadka maskaxda looga jiro iyo dhaqanka uu Madaxweyne Obama ku tilmaamay in si weyn loo ammaano dagaalka hubka.

Mr Obama waxa uu sheegay in dagaalka hubka uu yahay dhibaato aad u adag laakiin aanu ku marmarsiyoon karin in aanu waxba ka qaban.
Aas kale ayaa maanta loo sameeyay qaar ka mid ah dadkii Jimcihii lagu dilay weerarka magaalada Newtown.

XIGASHO: BBC Somali