Madaxweynaha Somaliland Iyo Mudanka Bulshadda oo ka qeyb galay aaskii C/raxmaan Ducaale

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran loogu sameeyay xabaalaha Naaso Hablood ee Magaaladda Hargeysa ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Marxuum- Cabdiraxmaan Ducaale oo shalay galab ku geeriyooday Hargeysa.

Waxa kale oo aaskan ka qeyb galay shir-guddoonka labadda Gole, qaar ka mid siyaasiyiinta dalka, mudaneyaal ka tirsan labadda gole iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaahay uga baryay marxuumka in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Madaxweyneynuhu waxa uu sheegay in marxuumku ahaa aqoonyahan kaalin mugle ka soo qaatay hanaankii dib u dhiska dalka dawladda Somaliland.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi dhambaalo tacsi ah uga diray qoyskiisii, kana waramay shakhsiyadii marxuumka Shirgudoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo axsaabta siyaasadda dalka.


C/Raxmaan Ducaale waxa uu hore dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya muddo dheer ka soo shaqeynayay kana mid ahaa saraakiishii baankii Muqdisho. Waxa kale oo uu ahaa muddo toban sano ka badan Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, waxaana xilkaasi laga qaaday markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo awooda la wareegtay Bishii dab-yaaqadii 2010-kii.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com