Maayarka Cusub Ee Burco Oo 700-Milyan lacag ah Kala Wareegay Maayirkii Ka Horeeyay

Burco (Somaliland.Org)-Maayirka cusub ee degmadda Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Maxamed-muraad) iyo ku xigeenkiisa Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) ayaa maanta si toos ah xilkii ugala wareegay maayirkii hore ee Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) iyo ku xigeenkiisii Axmed Cabdi-falay.

Munaasibada ay xilka kulak ala wareegayeen golaha deegaanka cusub iyo golihii deegaanka ee hore ee degmadda Burco ayaa waxa ka soo qaybgalay oo goob-joog ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda ,laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer iyo dadweyne kale oo ka socday qaybaha bulshadda .

“ Anigu xilka Dawladda Hoose waxaan la wareegay 2005-tii iyadoo oo ay shaqaaluhu leeyihiin 18-bilood mushaharkood iyo waliba daymo kale ,dhamaantoodna waanu bixinay ,shaqaaluhuna maanta bishaa imika soconaysa mooyaane mushahar kale ma laha ,taasi marka aan soo dhaafo hore daymo ayaa laysku wareejin jiray maanta se wax dayn ah oo aan wareejinayaa ma jirto lacag kaash ah mooyee “ Sidaasi waxa yidhi maayirkii hore ee degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) oo ka hadlaayay xafladii uu xilka ku wareejinaayay waxaanu intaasi ku daray.

“ Lacagta kashka ah ee aan wareejinayaa waa lacag ka badan 707-milyan oo kaash ah oo Somaliland shilin ah oo kala taala baanka Hargeysa iyo ka Burco iyo $ 2840 doolar oo kaash ah ,waxaanu kale oo aan wareejinayaa wadooyin laamiyo ah oo Sideed ah ,Afar ka mid ahi dhamaadeen ,halka Afar kale-na imika gacanta lagu hayo , gaadiid tiro badan “.

Sidoo kale maayirka cusub ee golaha deegaanka Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Maxamed-muraad) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balan-ku qaaday in ay ka nabad-geli-doonto hantida umadu isla markaana adeegyadda bulshada Burco ,halkii hore ka sii wadi-doonaan.

“ Maamulku waa qori isudhiib ,anaguna halkaa ay maanta taagantahay ayaanu ka sii wadaynaa hadii alle yidhaahdo .
Waxaanu kale oo aanu idiin balanqaadaynaa hantida qaranka ee ilaahay gacanta noo galiyay in ay naga nabad-gasho ,
Waxaananu ka codsanaynaa dadweynaha iyo cidkastoo la shaqayn jirtay golihii hore in ay nala shaqeeyaan oo wixii ay nagu biirin-karaanba nagu taageeraan “ Sidaasi ayuu maayirka cusubi yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray oo dadweynaha reer Burco usoo jeediyay in ay ilaahay uga baryaan xilka loo igmaday in uu u fududeeyo islamarkaana ka ilaaliyaan dusduska iyo shirarka gaarka ah.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco Cali Cabdi Xirsi oo madashaasi ka hadlay ayaa isna dhinaciisa cadeeyay Dawladda Hoose wax dayn ah oo lagu leeyahay in aaney jirin habayaraatee ,lacag u taal mooyee,waxaanu balan-qaaday in uu si hagar’la’ahaana ula shaqaynaayo maamulka cusub ee golaha deegaanka Burco.

Geesta kale Wasiir dawlaha maaliyadda Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xil wareejinta ay xilka kulak ala wareegeen labada maayir ee Burco iyo labadooda ku xigeen .
Waxaaney bulshadda reer Burco usoo jeediyeen in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Dawladda Hoose.

Munaasibadan ay xilka kulak ala wareegayeen golaha deegaanka ee cusub ee Burco iyo golihii ka horeeyay oo ka dhacday xarunta Dawladda Hoose ayaa waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo Maqal iyo Muuqaal ah kuwaasi oo ka turjumaayay mashaariicihii iyo waxqabadkii ay Dawladda Hoose ku talaabsatay mudadii ay hugaaminayeen golihii hore ee Maxamuud Dhagalaab maayirka u ahaa .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco