Jaamac Shabeel oo si adag Gaashaanka ugu dhuftay In KULMIYE Boobay Codbixintii Doorashada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanada wakhtigoodu dhamaaday ee golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa Jaamac Ismaaciil -Cige (Jaamac-shabeel) ayaa ka jawaabay eedaymo ay xukuumadda u soo jeediyay qaar ka mid ah ururrada siyaasadda oo sheegay inay xukuumaddu ku shubatay doorashadii deegaanka.

Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin eedaymaha xukuumadda loogu soo jeediyay inay ku shubatay doorashadii deegaanka, waxaanu ururrada siyaasadda eedeeya xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda uu u soo jeediyay inay keenaan wax lagu qanco.

Jaamac Shabeel waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay u waramay Telefishanka madaxbanaan ee Bulsho TV, waxaanu xusay in xukuumaddu fulisay qaybtii kaga aadanayd inay doorashada deegaanku si nabadgelyo ah dalka uga qabsoonto, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Mar walba cabashadu way taagan tahay marka u dambaysa ee la kala hadho cabashadu way socotaa oo waxa keenaya guusha iyo guul-darrada ayaa wadata, guul-darradu had iyo jeer waxay iska wadataa cabasho oo waliba dadkeenu way neceb yihiin dhaqan ahaan guul-darrada marka hore way isa soo qadimaan oo way ku soo dheereeyaan tartanka inay galaan, marka la cabanayo waa nin aad haysaa wax cadayn ah oo aad soo hordhigi kartaa oo aad maxkamad ku qanci karto oo qofkii lagu siiyo kaalintii uu galay, laakiin hadday waxaagu noqoto cabasho iyo sida qaarkood aan ka maqlayay milatari ayaa na helay adeer haddaad milatari arkaysay adiguba milatari inaad doonato ayay ahayd, adiga ma cid baa milatariga kuu diidan, cid qoryo sidatay may jirin sanduuqa waraaqaha lagu gurayo ayuu lagugula tartamayay. Markaa hadduu kaaga badiyay ma milatari ayuu ahaa.”

Jaamac Shabeel isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Waxaan leeyahay nasiib ayaanu ku helnay, anagu xisbi xaakimkii ayaanu nahay waxaanu nahay kuwa garanaya hadday doorashadu ceeb ku timaado in shaadhkayaga cad wasakhaynayso, waxaanu nahay kuwa talada qabtay imika ee doorashadii u horaysay qabtay. cid naga jeclayd doorashadu inay bilaa calaacal ku dhamaato may jirin. Laakiin nasiib-daro siidhi waluhu ma xukumo labada ciyaartoy ee garoonka ku jira, hadday dadka qaar u qaateen inaanu siidhi waluhu xukumo. Anagu maanu xukumayn dadkan tartamaya ayaanu ka mid ahayn, lambaradii la siiyay ururrada ayaa nala siiyay, shay dhaafsiisan oo nala siiyay muu jirin, galdalooladu waxay ka timi Komishanka dhinaca Komishanka markay ka timaadana kubadda marka aad daawaynayso haddii siidhwaluhu yara jilicsanaado ciyaartoygu way ka faa’iidaystaan, markaa waxa weeye marka la tartamayo ilduuf wuu dhacaa goobta labada nin ee wayni joogaan ayuu midna arkayaa ilduufka meesha ka jira ayuu ka faa’iidaysanaya, midna aanu arkayn ilduufka meesha ka socda, markaa tartan dhacay weeye tartankana nin waliba xeeladiisuu adeegsanayaa, ninkii seexdaa siciisii dibi dhalay weeye. Siidhwalaha ayaanay u taalaa inuu kala ilaaliyo ragga tartamaya oo nidaamka ku ilaaliyo khaladka siidhwaluhu galay ciyaartoygu malaha.”

Jaamac Shabeel oo wax laga waydiiyay eedaymo xukuumadda loogu soo jeediyay sidii ay doorashada deegaanka dalka uga qabsoontay waxa uu ku jawaabay. “KULMIYE waa xisbi xaakimkii doorashada qabashadeeda waxa uu ku lahaa samayntii xeerarka doorashada waad ogaydeen waxa la isku qabsaday ma lambarbaa laga dhigaa mayee astaantii ha laga dhigo, baarlamaanka waa tii xukuumaddu u gudbisay ee ay tidhi ha laga dhigo lambar sida Komishanku soo codsadeen ayuu baarlamaanku diiday oo uu yidhi astaan halaga dhigo, Komishankaana sheegay inaanay ku shaqaynayn astaan, wax loo baahan yahay in lambarkii lagu badalo, xukuumaddii wixii ay Komishanku soo dalbadeen, iyadoo aanay ahayn nidaam ahaan sharci ahaan toona in Komishanku ay yeedhiyaan xeerka sida uu noqonayo, waayo xeerku waa siyaasaddii dalka, ayaa hadana KULMIYE si ay doorashadu u qabsoonto ayaa waxay kaga dhigtay waxay sheegato ha waydo, waaba lagu shareeraa, waxba marmarsiiyo yaan loo helin, kanay doonayaan ee lambarkii ha laga dhigo baarlamaanka ayaanu ka ololaynay in lambarka loogu ansixiyo. waxa labaad ee noo soo raacaya lacagtii qaybtii ay bixinaysay dawladdu kaana dad hortii ayay dawladdu diyaarisay oo meel dhigtay maalintii doorashadana si nabadgelyo ah ayay ku dhamaatay.”

Somaliland.Org/Hargeysa