Golaha Deegaanka Berbera oo doortay Maayar Iyo Ku xigeen

Hargeysa (Somaliland,Org)-Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Berbera ayaa doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen Cusub.

Fadhi ay maanta yeesheen dhamaan xildhibaanada cusub ee ku soo baxay doorashadii golaha deegaanka Berbera ee dhacday 28 November oo ay tiradoodu dhan tahay 21 xildhibaan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dawladda Hoose Berbera.

Shirkan ayaa waxa Maayarka Berbera Loogu doortay C/shakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ka soo baxay ururka UCID, waxaana sidoo kale maayar ku xigeenka Berbera loo doortay Baashe C/laahi Ibraahim (Yacquub) oo isna ka soo baxay ururka Waddani.

Somaliland.Org/Berbera