10 Xubnood oo ka tirsan G/Deegaanka Saylac Oo Fadhi sharci darro ah ku doortay Maayar Iyo Ku Xigeen

Saylac (Somaliland.Org)- 10 Xubnood oo ka mid ah Golaha deegaanka degmadda Saylac ee gobolka Salel, ayaa maanta yeeshay fadhi aan loo soo marin sifihii sharciga ahaa isla markaana aanu goob joog ka ahayn Badhasaabka Gobolkaasi isla markaana aanay qabashadiisa soo cayimin Wasaaradda daakhiliga Somaliland oo xeerarku jideeyeen inay astayso xiliga uu qabsoomayo fadhiyada golaha deegaanku.

Golaha Deegaanka Saylac oo ka kooban 17 xubnood ayay todoba ka mid ahi maqnaayeen oo aanay ka soo daahirin fadhigan, in kasta oo 10-ka xubnood ay yihiin aqlabiyadda Golaha deegaanka Saylac isla markaana kooramku u buuxay, haddana waxa ka maqnayd go’aanka wasaaradda daakhiliga oo iyadu sharciga xeerka maamulka goboladda iyo degmooyinku awood u siiyeen inay cayinto maalinta uu qabsoomayo fadhiga koowaad ee golaha deegaanku.

10 Xildhibaan ayaa shirkoodan waxay ku sheegeen inay Xuseen Iidle Barkhadle u doorteen Maayarka cusub ee Magaaladda Saylac, halka Maayar Ku xigeenna ay u doorteen Xildhibaan Sacad Daahir Cigge, waxaanay labaduba ka soo jeedaan Gadabuursi ee goboladda Awdal iyo Salel.

Sidoo kale, waxa degmada Saylac ka jira xiisad ka dhalatay doorashadii deegaanka oo aqlabiyadda kuraasida Golaha deegaanka 10 ka mid ah ay ku guulaysteen Beesha Gadabuursi, halka todobada kalena ay ka soo jeedaan beesha Ciise oo iyagu ku doodaysa inay xaq u leedahay maayarnimadda Saylac in kasta oo Golaha lagaga tiro batay.

Saylac/Somaliland.Org