Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum- C/Raxmaan Ducaale

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeedyay Guddoomiyihii hore ee baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud oo galabta ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanay u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Dr: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, MARXUUM, CABDIRAXMAAN DUCAALE MAXAMUUD, oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. AAMIIN AAMIN.”

Somaliland.Org/Hargeysa