HAVOYOCO iyo DF oo soo kormeeray mashaariic ay ka fuliysa Havoyoco deegaanka galbeedka Gabiley

Gabiley (Somaliland.Org)-Hay’adda maxalliga ah ee dhalinnyarada mutadawiciinta geeska Africa ee marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano Havoyoco ayaa maanta waxa uu kormeer qiimayn ah ku soo sameeyey qaarkamida mashaariicdii ay ka qabteen deegaano ka tirsan Gabilay iyo nawaaxigeeda.

Safarkaasi kormeerka ah ee ay saraakiisha dhinaca arrimaha deegaanka u qaabilsan ururrkaasi iyo madaxda sare ee hay’adda caalamiga ah ee DF [development fund] iyo saraakiil kale oo ka socotay ururrka SUBUL oo xaruntiisa weyni tahay magaalada Oslo ee dalka Norway ku tageen deegaanka Ceelbaxay,lafta Tiinka iyo meelo kale waxaa saldhig u ahaa qiimayn lagu samaynayey wixii ka qabsoomay mashaariicdii ay hay’adaha FD iyo Havoyoco iska kaashadeen horgalintiisa gaar ahaan xagga wax soo saarka dhanka beeraha.


Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi madaxa mashruucan u qaabilsan ururrka Havoyoco,Mss Alice oo ah madaxa xafiiska hay’adda DF ee dalka Norway,Mr Ayele oo ah madaxa xafiiska hay’adda DF ee magaalada Addis Ababa iyo xubno kale oo ka yimid isla dalkaasi Norway ayaa saakadii horaba u jarmaaday jiidda koonfureed ee magaalaa Gabiley.

Waftigu markii ay gaadheen deegaanka tuulada ceelbaxay waxaanay waftigu halkaa kula kulmeen madaxa tuulda iyo dadweynaha deegaanka iyo oo ragg iyo dumarbaleh,waxaanay soo kormeereen Iskuulka tuulada oo ay dhigtaan caruurta dadka deegaanka waxaanay warbixino kala duwan oo la xidhiidha xagga wax soo saarka dalagga beeraha iyo sidii ay uga faa’iidaysteen mashruucii sanadkan sii dhamaanaya badhtamihiisii lagu taageeray kaasi oo ay maagalintiisa lahayd hay’adda DF isla markaana ay fulinaysay hay’adda Havoyoco.

Madaxa mashruucaasi ee Havoyoco ayaa ugu horeyn waftiga DF uga waramay nidaamka ka jira deegaanka DF ay maal galisay Havoyoco-na ay fulisay iyo sidii looga faa’iidaystay isaga oo arimaha ka hadlayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa “waftigan ka socoday hay;adda DF ee Norway waxaanu ku soo dhaweynahynaa gacmo furan waxaanan leenahay ku soo dhawaada tuulada Ceelbaxay” ayuu yidhi madaxa mashruucaasi.


Gudoomiyaha mashruucaasi u qaabilsan hay;adda Havoyoco Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo u kala turjubaanayey dadka beeralayda ah iyo waftiga waxa uu si fiican isku fahan siiyey odayaasha beeralayda ahaa iyo xubnihii waftigaasi ka socday DF.
Dhanka kalana saraakiisha DF waxay dhagaha ku shubteen warbixino farabadan oo ay halkaa kaga dhagaysteen beeralayda deegaanka ceelbaxay ee Gobalka Gabiley.

Xaaji Cabdi oo ah Gudoomiyaha tuuladaasi waxa uu xubnaha waftigaasi u sharxay sida ay wax ugu tartay xagga wax soo saarka dhanka dalagii beeralayda sadkanai ay ka heleen hay;adaha aan xagga sare ku soo sheegnay “ilaahay baa mahad lee waxaanu aad iyo aad ugu mahad celinaynaa hay;adda Havoyoco oo noo xidhay beerihii aanay sanadahan oo dhan waxaba nooga soo bixinjirin” ayuu yidhi Xaaji Cabdi.


Dhanka kalana waxaa iyana halkaasi ka hadlay xubno kale oo ka tirsab dadka deegaankaasi waxaanay sheegeen inay waxbadan u tartay hay’adda Havoyoco isla markaana ay beerihii midho badani uga soo bexeen “sanadkan waxaanu beeraha ka goosanay raashin ka farabadan kii aanu ka helijiray markii aanay beeruhu noo xidhnayn” sidaa waxaa yidhi midkamida odayaasha deegaanka beeralayda ah ee tuuladaasi.

Intaa kadib waftigu waxay sidan oo kale kormeer ku tageen tuulada laftla dhiinka oo xagga galbeedka ka sii xigta Gobalka Ceelbaxay waxaanay halkaa kula kulmeen odayaasha deegaanka waxaanay ka dhagaysteen warbixino kaladuwann sida kuwii deegaanadii aanu soo maray ee kale,dhulka ay waftigu soo kormeereen oo ahaa dhul beeralay ah hay;adda Havoyoco waxay ka qabatay mashaariic farabadan gaar ahaan xagga beeraha balse waxaa jira inay hay;addaasi deegaanadaasi ka fulisay dhisme yaal Schoolo ay caruurtu wax ku bartaan.

Inkasta oo ay jiraan Schoolo ay Havoyoco deegaanadaasi ka dhistay oo ay caruuraha deegaanku wax ku bartaan hadana wali waxaa jira cabashooyink ka soo yeedhaya oo la xidhiidha xagga waxbarashada goobaha loo dhisay oo aan ku filayn caruurta isla markaaana aan lahayn dayr kii Schoolka ku haboonaa iyo suuliyadii ay cauurtu isticmaali lahaayeen toona “hadda waad aragtaan oo Schoolku malaha dayrkii iyo suuliyadii ay caruurtu isticmaali lahaayeen midna” sidaa waxaa yidhi nin wax ka dhigayey schoolkaasi xiligii aanu booqanay.

Odayaasha deegaanka lafta dhiinku waxay aad ugu mahad celiyeen hay;adda Havoyoco oo si weyn uga taageertay deegaankaasi qalabka wax soo saarka beeraha iyo midhaha lagu beero dhulka intaba “hay;adda Havoyoco waxay nasiisay qalabka aanu ku falano beeraha iyo siidhkii aanu dhulka ku ridaynay ee ay wax nooga soo baxayeen” sidaa waxaa yidhi mid kamida dadga odayaasha deegaanka lafta dhiinka oo faah faahin ka bixinayey sida ay ugu diirsadeen beeraha daadadkii iyo carro guurkii ku dhi cijiray looga xidhay kadibna ay waxbadani uga soo bexeen beerahoodii sida Galayda,hadhuudhka,digirta,sinsinta iyo qaarkale “sanadkan waxau aragnay beerihii aanay waxba nooga bixijirin ee daadku qaadijiray oo zarac badani nooga baxay kadib markii ay Havoyoco nooga xidhay daadadkii ku soo rogmanjiray” sidaa waxaa ku tiraabay mid kamida odayaasha tuulada lafta dhiinka.
Dhanka kalana odayaasha beeralayda deegaanka lafta dhiigu waxay hay;adda Havoyoco ka codsadeenn inay u raadiyaan cagaf cagafyo ay beeraha ku qotaan iyo qalab intii hore ka tayo roon si ay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda xagga dalaga ay beeranayaan “hay;adda Havoyoco way ku mahdsan tahay wixii hore ee ay na siisay hadana waxaanu ka codsanaynaa inay noo raadiyaan cagaf cagafyo aanu beeraha ku qodano iyo qalabkii lagu falayey beeraha” sidaa waxaa yidhi oday ka mida dadka tuulada lafta dhiignka.

Dumarka tuulada lafta dhiinka oo iyaguna odayaasha kala qaybgalay warbixinta xaaladaha deegaankooda ka jiray waxay sheegeen inay wax badanka faa’iideen mashaariicdii ay Havoyoco horey uga fulisay deegaanadaasi ay dagan yihiin gaar ahaan dalagga wax soo saarka beeraha.
Dhanka kalana dumarku waxay soo bandhigeen inay deegaanadaasi ka jiraan tabashooyin farabadan oo la xidhiidha xagg caafimaadka iyo nolosha biyaha qudhooda “waftiga na soo booqday iyo Havoyoco oo horeyba noogu imanjirtay way mahadsan yihiin wixi ay Havoyoco horey noogu qabatayna waanu ku raynay balse waxaa jira dhibaatooyin farabadan oo xagga caafimaadka naga haysta maadaama aanay tuuladu lahayn xarumo caafimaadka wax lagaga qabto iyo dawooyin toona” sidaa waxaa tidhi haweenay ay diif badani ka muuqanaysay wajigeeda.

Ugu danbayntii hay’adda DF oo iyadu sanadkan horaantiisii dhaqaale ugu deeqday mashruucaasi xagga beeraha ah ee Havoyovo ka waddo deegaanada xagga koonfurta ka xiga magaalada Gabiley waxay sheegeen inay sii wadayaan sanadka soo socdana si ay dadka deegaankaasi uga faa’iidaystaan mashaariic kale oo noocaasi ah hadii eebe idmo Mss Alice iyo Ayele oo ka socday hay’adda bixisay dhaqaalaha mashruucaasi waxay madaxa u ruxeen mashaariicdii ay Havoyoco ka fuliyeen deegaanadaasi.

Somaliland.Org/Harge