Gudoomiyihii Hore ee Baanka Somaliland Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland C/Raxmaan Ducaale Muxumed, ayaa galabta ku geeriyooday Gurigiisa magaaladda Hargeysa halkaasi oo uu in muddo ah jiifay xanuun hayay.

Marxuum- C/Raxmaan Ducaale Muxumed waxa uu ahaa aqoon u lahaa xirfadda baananka. Waxaanu muddo toban sanadood ka badan ahaa Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland.

Marxuumka waxa lagu aasi doonaa Magaaladda Hargeysa oo loogu samayn doono aas qaran. ALLE ha u naxariisto Marxuumku waxa uu hore xilal iyo masuuliyado kala duwan ka soo qabtay Baankii Muqdisho ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Somaliland.Org/Hargeysa