ADO iyo DF oo si wadajira u soo kormeeray mashiicdii ay Ado ka fulisay deegaanada Oodweyne

Oodweyne (Somaliland.Org)-Hay’adda maxalliga ah ee ADO ee ka shaqaysa xagga arrimaha beeraha ayaa kormeer qiimayn ah ku soo martay mashaariicdii ay horey uga fuliyeen sanadkan badhtamihiisii tuulooyin ka tirsan deegaanka Oodweyne.mashaariicda ay hay’adda Ado ka fulisay tuulooyinka Xaaxi iyo Caasha cado oo xagga wax soo saarka beerashada dhulka la xidhiidha.

waxaa aad uga mabsuuday Ms Alice Christopher iyo Mr Ayele oo ka socday xafiisyada Oslo Norway iyo Addis Ababa ee hay’adda caalamiga ahee DF (Development fund).

Kormeerankani hay;adda Ado ku tagtay tuulooyinka gobalka Oodweyne oo qaatay hal maalin saraalkiisha labada dhinacba wadxay indhadoodha ku soo arkeen faa’iidooyinkii ka soo baxay tacabkii ay dadkka beeralayda deegaankaasi ka heleen boorahoodii ay u maalgalisay hay;adda DF hirgelintiisana ay lahayd hay;adda ADO.

Gudoomiyaha hay’adda Ado ee fulisay mashaariicda xagga beeraha deegaankaasi Mr Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan isla hay’adda Ado waxay waftiga hay’adda DF ku soo wareejiyeen goobihiii ay ka gfuliyeen mashaariicda sankan sii dhamaanaya ee ay ka heleen hay’adda DF,Gudoomiyaha Hay’adda Ado Mr Xuseen waxa uu saraakiisha DF faah faahin ka siiyey siyaabihii kala duwanaa ee ay mashaariicdaasi uga fuliyeen tuulooyinka Xaaxi iyo Caasha Cado ee hoosyimaada Degmada Oodweyne.

Mashaariicda kaladuwan ee ay hay’adda Ado ka fulisay tuulooyinka hoos yimaada degmada Oodweyne ee Xaaxi iyo Caasha Cado waxay isgu jiraan biyo xidheeno laga sameeyey dooxyada waaweyn ee biyuhu soo maraan kuwaasi oo loogu talogalay inay qabtaan biyaha xagga hoose maraya si ay dadka deegaanku ceelasha dooxyadaasi uga helaan biyo dhaw oo ku filan inay ku waraabsan karaa beerahooda iyo cabitaanka xoolaha intaba.

“biyo xidheenkani aad aragtaani waxaanu ugu talo galay in uu qabto biyihii dixda hoosteeda marijiray si ay aanay biyuhu u dhaafin oo ay kayd ugu noqdaan dixda hoosteeda” sidaa waxaa yidhi Gudoomiyaha hay’adda Ado Mr Xuseen oo warbixin ka sii nayey waftiga reer Noway iyo Itoobiya ee DF.

Biyo xidheenada waaweyn ee ay ka sameeyeen hay’adda Ado dooxa tuulada Xaaxi dadkii deegaanku waxay noo sheegeen inaysan muddo 10 sano ah waligood wax beero ahi uga bixin deegaankaasi balse ay sanadkan ka heleen midho fiican ka dib markii ay Ado uga samaysay dooxyadii ay daadku marijireen biyo xidheeno waaweyn oo ka caabiyey daadkii qaadijiray ciidda loogu talo galay inay ka caawiso habsamida Zaraca ka soo baxa dhulka hoostiisa “10 sano ka hor ayaa noogu danbeysay wax Zarac [midho] oo nooga soo baxa beerahaasi aad aragtaan basle hadda sanadkan waxaanu ka helay raashin fiican markii ay ADO nooga samaysay biyo xidheenadaasi aad aragtaan” sidaa waxaa ku tiraabay nin oday ah oo kamida dadka deegaanka beeralayda Xaaxi oo ku faraxsanaa waxqabadka hay’adda ADO ee deenada aan soo sheegnay.

Ms Alice oo ah madaxa xafiiska DF ee dalka Norway iyo Ayele oo ka socday xafiiska DF ee magaalada Addis Ababa waxay Gudoomiyaha hay’adda Ado Mr Xuseen ka dhagaysteen warbixinta tacabkii ka soo baxay deegaanadaasi ay ka fuliyeen sanadkan horaantiisii mashaariicda xagga beeraha ah waxaanay dadka deegaanku saraakiisha wadajirka ah ee labada hay’adood u sheegeen inay waxbadan ka faa’iideen waxqabadkii iyo gacan qabashadii ay ka heleen hay’adda ADO.

“maaha wax aanu halkan ku soo koobi karro wixii ay noo qabatay hay’adda Ado waxaanad maanta indhihiina ku aragteen midhihii nooga soo baxay beeraha iyo sida uu sare ugu kacay guud ahaan wax soo saarkayagii xagga beeraha” sidaa waxaa yihidhi Oday Qarjab oo ah Gudoomiyaha tuulada Caasha Cado oo aanu ku booqanay beertiisa isaga oo ka shaqaynayey xiligaasi.

dhanka kalana mashaariicda ay hay’adda Ado ka fulisay deegaanka xaaxi waxaa kamida School weyn oo Boodhin ah oo ay wax ka bartaan in kabadan 230 wiil iyo 60 hablood kaasi oo ay qaybtiisa hurdada ah dhawaan dhsimihiisa hirgalisay hay;adda Ado kaasi oo uu xadhiga kaga jaray Guudimiaya waxbarashada ee Gobalka Togdheer Axmed Cabdi Siciid.

waxaanau dhismahaasi ka kooban yahay hoolal waaweyn oo si fiican u loo qalabeeyey kaasi oo la dhigay 80 sariirood oo isdul saaran isla markaana ay seexan karayaan 80 ardaydaasi kamid ahi,waxaanay ardayda wax ka barata Shcoolkaasi oo magiciisa la yidhaado Subul kharashaadkiisa bixiya muwaadiniin ka soo jeeda Gobalka Oodweyne kuwaasi oo ku nool dalka Norway iyo Somaliland labadaba.waxaanay isla xilsaareen muwaadiniintaasi sidii ay dadka deegaankaasi ku dhaqan ee xooli raacatada ahi caruurtooda ugu helilahaayeen waxbarasho bilaash ah maadaama aanay awood u lahayn inay sida kuwa dhaqaala haysta magaalooyinka u diraan si ay wax ugu soo bartaan Schoolada iyo Jaamacada ku yaala magaalooyinka Somaliland.

Somaliland.Org/Hargeysa