Shir Ku saabsan samaynta diiwaangelinta madaniga ah oo lagu qabtay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shir muhiim ah oo maanta ku qabsoomay Magaalada Hargaysa ayaa lagaga hadlay qorshe shacabka loogu bandhigayo in la samayn doono hanaan diiwaan-gelineed madani ah oo lagu tirakoobayo guud ahaan dadweynaha Somaliland, ayna ka soo baxayso tirada xaq u yeelan karta inay codeeyaan doorashooyinka soo beegan.

Kulanka oo ay ka qayb gelayaan mas’uuliyiinta kala duwan ee wasaarada Arimaha Gudaha, aqoonyahano, madaxda xafiiska socdaalka, mas’uuliyiinta jaamacadaha dalka qaarkood iyo ururada wadaniga ah ee dhinacyada gargaarka iyo horumarinta socona doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa loogu talo galay in uu ka soo baxo qorshe loo dhan yahay oo muujinaya wadada loo marayo diiwaangelin lagu sameeyo mustaqbalka dhow dadweynaha Reer Somaliland si loo calaamadiyo tiro la ogyahay oo xaq u yeelata ka qayb galka doorashooyinka soo beegan iyo weliba tirada guud ee dadkeena.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo kulankaa hadal ka jeediyey uu sheegay in inkastoo dadweynaha somaliland ay soo mareen doorashooyin kala dambeeyey guulo badana ka gaadheen qabsoomidoodii hadana uu weli geedi dheer hadhay sidii loo gaadhi lahaa diiwaangelin la mid ah ta shucuubta horumartay ay dadkooda ku sameeyaan.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudahu waxuu sheegay in xukuumadda Somaliland ay miisaaniyad-sanadeedka qaranka ee 2013 ku dari doonto dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta diiwaangelinta madaniga ah taasoo la samaynayo inta ka horaysa doorashooyinka soo socda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com