WADDANI oo Bogaadiyay Golaha Deegaanka Ceerigaabo oo doortay Hoggaankoodii

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Hoggaanka Urur-siyaasadeedka WADDANI ayaa bogaadiyay Xildhibaanadda Golaha deegaanka Ceerigaabo oo shalay doortay maayar iyo Maayar ku xigeenka degmadaasi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu galabta soo saaray Afhayeenka WADDANI Md. Ibraahim Mahdi Buubaa. Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Hogaanka Sare ee Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee WADDANI Waxay Hanbalyo u dirayaan, soona dhawaynayaa Golaha Deegaanka Ceerigaabo kuwaas oo si buuxda u doortay Maayirka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo ku Xigeenkiisa Saalax Ismaaciil Cabaase.

Masuuliyiinta WADDANI waxay illahay uga baryayaan in xilka ku garab galo masuuliyiinta loo doortay ee Degmada Ceerigaabo iyo dhamaan Golayaasha cusub.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com