Maxjar Lagu Naaxinayo Xoolaha oo Burco Laga Furay Iyo Mudanka Bulshadda oo Iskugu tagay wanqashiisa

Burco (Somaliland.Org)- Maxjar cusub oo lagu naaxin doono xoolaha noocyadooda kala gadisan ayaa markii u horeysay laga furay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,kaasi oo socday mudo sedex Sano ah.

Maxjarkan oo loogu talogalay in uu qaado boqolaal kun oo neef iskugu jira, dhoofinta xoolaha ,naaxinta ,iyo ilaalinta caafimaadkooda ayaa furitaankiisa waxa ka qaybgalay Wafti balaadhan oo ka soo kicitimay dhinaca magaalada Hargeysa kuwaasi oo uu ka mid ahaa Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland ,Wasiirka wasaaradda Ganacsiga ,wasiir Dawlaha maaliyada ,Madax-dhaqameed iyo xildhibaano ka socday golayaasha sharci-dajinta kuwaasi oo uu horkacaayay Xaaji Cabdi Waraabe.


“Mashruucani waxa uu bilaamay 2009-kii ,marxalado badan ayuu soo maray ,hawo badan ayaa dadka aasaasayaasha ah kala kulmay ,ujeedooyinka mashruucani waxa weeye anigu 24-sanadood ayaan ka shaqaynaayay xoolaha soomalida ee Xajka yimaada ,waxaan ogahay sida yar ee fudud ee xoolaheena loo joojin-karo ,ninkaa saxeexa haystaa haduu cadhoodo oo ay xaafadiisa islaayaan waxa laga yaabaa in uu sida uu doono inaga yeelo.

Shirkadanina waa shirkada kaliya ee maanta leh shahaado caalamiya ee dunida laga citiraafsanyahay ,meel-walbana xoolaha u dhoofinkarta ,xiitaa hadii meelaha qaar xayiraad laynaga saaro waxay shahaado u haysataa meel alaale meeshii ay doonto in ay u dhoofiso “ Sidaasi waxa yidhi Dr Ibraahim Xanaano oo shirkadan u hadlay.

Waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “ Ujeedooyinka kale ee Shirkadan An-caam leedahay xaga ganacsiga ka sakaw waxa weeye ,in xoolaheena tamartooda iyo tayadoodaba kor loo qaado ,waxaanu maxjarkani leeyahay meel ay xooluhu ku tarmaan ,waxa kale oo ku jira cilmi baadhis lagu ogaanaayo dhulkeenii nabaad guuray ,marka labaad shirkadani iyadaa isku filan shaybaadhkeedii gaar ayay u leedahay ,xeryihii xoolaha gaar ayay u leedahay ,daaweyntii gaar ayay u leedahay ,ganacsigii gaar ayay u leedahay “ Sidaasu ayuu Dr-ku yidhi

Cali Maxamed (Caliwarancade) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Marka hore runtii waxa farxad noo’ah in aanu manta idin kala soo qaybgalo mashruucan iyadoo ay iskugu yimaadeed dawladii hore iyo dawladanii dan-be-waxaanu ka mid yahay mashruucani mashaariicdii aanu ku wareejinay dawladda cusub ,nasiib baanay u heleen in ay furaan ,waxaan kale oo aan u sheegayaa dadweynaha inamada mashruucan waday waxa ay kala kulmeen iyo dhibaatooyinka loo gaystay ,xiitaa waxay ku mutaysteen xadhig ,dib u dhac ,dacaayad iyo kharash faro badan oo kaga luma markaa waa ilaahay mahadii hadii uu maanta inoo dhamaaday “ Sidaasi ayuu Cali Waran-cade yidhi.

Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir Cali oo isna maxjarkaasi furay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Anagu xukuumad ahaan iyo wasaarad’ahaanba waxaanu u balanqaadaynaa shirkadan waxkastoo ay u baahato in aanu gacan ka siino ,waxaanu kale oo aanu halkan ka balanqaadaynaa kulankan qiimaha leh in aynu dhamaanteen dhiiri-galino mashaariicda noocan oo kale ah ,isla markaana qaabkii xoolo raacisata u badelo xoolo dhaqis ,waxaana ka mid ah siyaasada xukuumadda ee sanadkan in dhamaan la tir-tiro xidhmooyinka la ootay ,marka laga tago ta beeraha iyo ta xoolaha lagu beeraayo inata kale-ba waanu baabiinaynaa ,arintaasna waxa ka wada shaqaynaaya wasaaradaha xanaanada xoolaha ,daakhiliga ,beeraha iyo deegaanka “ Sidaasi ayuu wasiirku yidhi.


Sidoo kale waxa iyna ka mid ahaa dadkii xafladaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda ganacsiga ,Wasiir dawlaha maaliyada iyo madax kale oo iskugu jiray salaadiin ,aqoonyahano ,xidhibaano uu ka mid ahaa Xaaji Cabdi Waraabe ,waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen faa’idada uu bulshada u leeyahay mashruucani ,haday tahay dhoofinta xoolaha iyo haday tahay shaqaale abuurista uu soo kordhiyay.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco