“Maanta halka aynu marayno waxa keenay nabada, markaa waa in la adkeeyaa”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa furay shirwayne lagaga hadlayo qorshaha nabada ee qaranka, kaasoo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda UNDP iyo Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

Shirkan oo shalay ka furmay huteelka Ambasador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale.

(Duur), Wasiirka Wasaaradda dib-u- dejint, Saleeban Ciise Axmed (Xaglatosiye),Wasiir ku-xigeenka hawlaha guud, masuuliyiin ka socday hay’adaha UNDP iyo FCA iyo guud ahaan Badhasaabadda Gobollada dalka.
Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo shirkas furay, isla markaana hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in shirkani muhiim u yahay arrimaha ammaanka ee guud ahaan dalka, isagoo guddoomiyeyaasha gobollada dalka ugu baaqay inay si qoto dheer ugu lafa-guraan xaalada ammaan ee dalka.

Waxanu ku Madaxweyne ku-xigeenku ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda UNDP oo iska kaashanaya qabsoomida shirkan iyo weliba hirgelinta waxyaabaha ka soo baxda mudada uu socdo.

“Inagu waynu garanaynaa qiimaha nabada oo waxa ina soo martay baahi badan, dhibaato way ina soo martay dagaalo sokeeye ayaa ina soo maray, markaa maanta halka aynu marayno waxa keenay nabada, markaa nabada in lasii adkeeyo waa mid aad iyo aad muhiim u ah” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo jeediyey sayaasadda ama shuruucda shirka lagu dajinayo in la waafajiyo shuruucda iyo dhaqanka umadda reer Somaliland xaaladaha ammaan ee dalka. Waxaanu tilmaamay oo kale in la taageero hay’adaha kala duwan ee amniga isla markaana gacan la siiyo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii, “Waxa jirta shuruuc badan oo ilaa maalintii Somliland lagu dhawaaqay ay soo baxaysay, shuruucdasi waxay ka mid tahay sida labanku uga mid yahay dhismaha guriga ayey shuruucduna uga mid tahay dhismaha Qaranka, markaa siyaasada aynu dajinaynaa waa inay ku salaysnaataa shuruucda dalka ka jirta oo aanay ka baxsanaan oo aanay ka hor iman, waa inay ku salaysnaataa sharciga iyo dhaqanka wadanka ka jira, waa inay ku salaysnaataa xaalada maanta aynu ku jirno nabadeynu maanta halkay maraysaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa si wataa waxa uu intaas ku daray. “Maanta dhismaha qarankani waxa uu u baahan yahay in la taageero hay’adaha amniga oo gacan weyn la siiyo, ummada reer Somaliland waa dad ku filan nabadayntooda oo iyagu nabadooda ilaashada.”

Madaxa hay’ada UNDP , Mr Steven oo shirkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey muhiimada shirka iyo wada shaqynta buuxda ee ka dhaxaysa hay’adaha amniga ee Somaliland iyo hay’ada UNDP, waxaanu sheegay masuuliyiinta meeqaamka sare leh ee ka qaybgalay shirka inay ka turjumayso miisaanka iyo culayska ay u hayaan qarankooda, waxaanu tilmaamay nabadu inay tahay shay muhiim ah oo aadamuhu u baahan yahay.