Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Doortay Maayar Ku Xigeen

Laascaanood (Somaliland.Org)- 21-ka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Magaalada Laas-caanood ee la soo doortay ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay Xarunta Maxkamada Degmada Laas caanood isla markaana ku doortay hogaanka Golaha Deegaanka ee Degmadaas.

Munaasibadan oo isugu jirtay Dhaarin iyo doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Magaalada Laas caanood waxaa ka qayb galay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool,ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool ayaa si rasmi ah u ansixiyay natiijadii doorashada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood isla markaana kitaabka qur’aanka kariimka ah ku dhaariyay kow iyo labaatanka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Cusub.

Markaas kadib waxay Mudanayaasha Golaha Deegaanku kalfadhigoodii kowaad oo ay ku yeesheen Hoolka Shirarka Dawlada hoose ee Degmada Laascaanood, ku doorteen in Xildhibaan C.qaadir Jaamac Faarax “Xuu-Xuule” uu noqdo Maayarka Cusub ee Degmada halka ku xigeenkiisana loo doortay Nuuradiin Cabdiraxmaan Axmed.

Waa markii u horaysay ee Degmada Laascaanood ay yeelato Gole Deegaan oo ku yimid Codka Shacabka.
Dhinaca kale Golaha Deegaanka ee Degmada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar ayaa maanta doortay Maayarka iyo ku xigeenka ay yeelanayso degmada Caynabo.

Munaasibad isugu jirta Dhaarinta,ansixinta natiijadii doorashada ee degmadaasi iyo furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Golaha Deegaanka ee degmadaasi ayaa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Saraar Ibraahin Xaaji Xasan ,Taliyaha Qaybta Booliska iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saraar Sh.Xasan Faarax Muuse ayaa ugu horayn ku dhawaaqay inay ansax tahay natiijadii doorashadii deegaanka ee degmadaasi isla markaana kitaabka Qur’aanka ah mariyay Sadex iyo Tobanka Mudane ee Golaha deegaanka Degmadaasi ka kooban yihiin.

Waxaa markaas kadib ay Xildhibaanadaasi cod gacan taag ah ugu doorteen Faysal Axmed Jaamac “Sanweyne” Maayarka degmaasi,halka ay Maayar ku xigeena u doorteen Cali Maxamud Aadan “Cali San yare”.

Geesta kale Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa maanta si wada jir ah u dhaarisay Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Berbera iyo Sheekh isla markaana ku ansixisay natiijadii doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolkaas.

Somaliland.Org/Hargeysa