Baki: Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka oo shaaciyay Inuu Ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Baki (Somaliland.Org)- Xildhibaan Maxamed Axmed Caateeye oo ka tirsan Golaha deegaanka degmadda Baki ee gobolka Awdal, kana soo baxay urur siyaasadeedkii UMMADDA, ayaa caawa shaaca ka qaaday inuu ku biiray xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Maxamed Axmed Caateeye, oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay shabakadda Somaliland.Org isagoo ku sugan magaaladda Baki, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan idiin cadeeyo anigoo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka degmadda Baki ee gobolka Awdal, kana soo baxay urur siyaasadeedkii UMMADDA ee lagaga adkaaday doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka waxaan caawa go’aansaday inaan ku biiro xisbiga tallada haya ee KULMIYE.”

“Waxaan KULMIYE ugu biiray ka dib markii aan ku qancay barnaamijkooda siyaasadeed iyo qorshaha waxqabad ee xukuumadda ay hoggaamiyaan Md.Axmed Siilaanyo iyo C/Raxmaan Saylici,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Maxamed Axmed Caateeye waxa uu u mahad celiyay dadweynihii soo doortay oo uu uga mahad celiyay taageeradii iyo kalsoonidii ay siiyeen, waxaanu sheegay inuu xisbiga KULMIYE uga biiray si uu uga dhabeeyo waxqabadkii uu u balan qaaday dadweynihii soo doortay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com