“Waxaanu Jecel nahay in mar-walba la ilaaliyo Nabad-gelyadda iyo dimuqraadiyadeena”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mar kale dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii dadkii ku dhintay iyo kuwii khasaaruhu ka soo gaadhay mudaharaadkii lagaga soo horjeeday natiijadda doorashada Hargeysa ee dhawaan 6-dii bishan la shaaciyay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay khasaaraha ka dhashay doorashada, waxase uu tilmaamay in xilka arrimaha doorashada ay Komishanku qaranka uga masuul yihiin.

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay rabshadihii ka dhacay doorashada, waxaana hawshaas iyo xilkeedaba gacanta ku hayay komishanka Doorashooyinka Qaranka, dhibaato way dhacday oo horeba waan u tacsiyeeyay imikana waan ka tacsiyeynayaa dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay,”ayuu yidhi maanta madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hor intii aanu galabta ka dhoofin madaarka Hargeysa oo uu u kicitimay dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay ilaalinta nabad-gelyadda iyo dimuqraadiyada wadanka, waxaanu yidhi “Laakiin hadana doorashadu way inoo dhamaatay way inoo socotaa Ilaahayna waxaan ka rajeynayaa in aynu ku guulaysano, waxaanuna jecel nahay in mar walba nabada la ilaaliyo iyo dimoqraadiyadeena.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com