Madaxweynaha Somaliland Oo u Kicitimay Dalka Jabuuti, kana hadlay ujeedada socdaalkiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti balaadhan oo uu Hoggaminayay ayaa galabta u kicitimay dalka Jabuuti oo ka qeyb galayo shirka madaxeedka horumarinta afsoomaaliga ee PEN oo lagu soo casuumay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu sii waramayay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo weftigiisu ay ka qeyb gali doonaan shirka Horumarinta Afsoomaaliga oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka PEN.

“Waxaanu dalka Jabuuti ugu soconaa martiqaad ayaanu ka helnay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee aynu jaarka nahay, halkaas oo laagu dabaal-dagayo sanad guuradii afartaad Qorista Afka Somaliga oo halkaas loogu lagu xusayo ayuu martiqaadey, munaasibaad ayaan ka qeyb galaynaa hadii Alle idmo,”ayuu yidhi

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu tilmaamay in mudada ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti ay kulamo lagu sii xoojinayo cilaaqaadka Somaliland iyo Jabuuti la yeelan doonaan dawladda wadankaasi.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo marwadda koowaad ee Somaliland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com