Komishanka oo baahiyay natiijo sahayatay laba xubnood, kuwo kalena fursad siinaysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa isbedel ku sameeyay natijadii doorashada Hargeysa ee ay 6-ii bishan ku dhawaaqeen ee degmadda Hargeysa ee gobolka Maroodi-jeex.

Komishanku waxay barta ay ku leeyihiin Internet-ka ay ku faafiyeen natiijo ka duwan tii ay hore u soo saareen, taasi oo meesha ka saartay laba Xubnood oo ka soo kala jeeda ururadda DALSAN Iyo RAYS oo markii hore Komishanku shaaciyeen inay soo baxeen, haseyeeshee ay wax ka bedel ay sameeyeen ka dib ay soo galiyeen magacyada laba xubnood oo kale.

Sidaanu ka soo xiganay shabakadda komishanka doorashooyinka ee la yidhaahdo Necsomaliland.com, waxay lagu baahiyay natiijadan. Waana kan liiska 25-ka Xildhibaan ee Golaha cusub ee deegaanka Hargeysa.

Ummadda

1. Axmed Cali Haybe (3782 dhibcood)

2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan (2947 dhibcood)

3. Mustafe Cismaan Daahir (2860 dhibcood)

WADDANI

1. Maxamed Warsame Caalin Timacade (5311 Dhibcood)

2. Cabdiqani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin (2967 Dhibcood )

3. Cabdillaahi Aadan Cali Cabaas (2900 Dhibcood)

4. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan (2605 Dhibcood)

KULMIYE

1. Hanad Xaashi Axmed Caydiid (4588)

2. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco (4089)

3. Cismaan Xasan Faarax Waxar (3667 dhibcood)

4. Eng. Yuusuf Warsame Siciid (3651 Dhibcood)

5. Axmed Siyaad Muxumed (3611 Dhibcood)

6. Cabdi Cali Yuusuf (3050 dhibcood)

7. Axmed Daahir Axmed Magan (2643 Dhibcood)

XAQSOOR

1. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox (4504 Dhibcood)

2. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed (2777 Dhibcood)

3. Cabdillaahi Siciid Faarax (2688 Dhibcood)

4. Deeq Ducaale Cismaan (2348 dhibcood)

RAYS

1. Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi (1764 Dhibcood)

DALSAN

1. Cabdicasiis Aadan Habane (2666 Dhibcood)

2. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac (2027 Dhibcood)

UCID

1. Maxamed Aw Aadan Weyrax (4465 Dhibcood)

2. Khadar Ibrahim Axmed Maax (3514 Dhibcood)

3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (3000 dhibcood)

4. Maxamed Cabdi Aadan (2263 dhibcood)

Si aad u akhrido shaxda natiijadda doorashada degmadda Hargeysa ee la soo saaray Guji qoraalkan hoose:-

Seats_Hargeysa