Ciidanka Booliska oo Fagaare ku soo bandhigay 30 Jirikaan oo Khamri ah oo ay Hargeysa ku qabteen

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Booliska ee magaaladda Hargeysa ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay 30 jirikaan oo khamri ah oo ay ku jireen khamri xadigiisu dhan yahay illaa 600 oo litir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan,oo maantasaxaafadda ugu waramayay taliska guud ee Booliska ayaa sheegay inay ciidankiisu maanta ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan baabuur Surf ah oo siday 30 jirikaan oo khamri ah iyo laba qof oo sitay shixnad khamriga ah.

“Waxaan idiinku sheegayaa Hawlgal ciidanka boolisku sameeyay oo ay ku soo qabteen Gaadhi Surf ah oo siday khamri fara badan oo gaadhaya 30 jirikaan oo min sodon litir ku jiraan iyo laba Eedaysane,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Gen. Fadal, waxa uu sheegay in khamrigan iyo labadii qof ee lagu qabtay ay sida ugu dhakhsaha badan u horgayn doonaan maxkamadda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com