Wasiirka Qorshaynta Oo Soo Gabo-gabeeyay Tababar lagu darsayay heerka dhaqaalaha qoyska

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Mudane Sacad Cali Shire ayaa tababar sadex maalmood u socday Ardayda Jaamacadaha iyo hawl wadeeno ka tirsan Wasaarada Qorshaynta waxa uu xalay ugu soo xidhay Huteel Royal ee Caasimada Hargaysa.

tababarkan ayaa la xidhiidhay tababaro lagu daah furayo sidii loo ogaan lahaa heerka Ganacsiga iyo nolosha Guud ee Qoysaska Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ku jirta tababarkan waxaanu xusay in la rabo sidii Xog Ururin dhab ah loogu soo samayn lahaa Heerka Ganacsiga Somaliland isla markaana ay kooxahan tababarka qaatay soo mari doonaan ilaa Shan boqol oo goobood kuna yaal deegaamada dalka,Wasiirka Qorshayntu waxaa kale oo uu sheegay in sidoo kale ay kooxaha aqoon isweydaarsigan ka qayb qaatay ay soo Uruurin doonaan Xaalada ay taagan tahay nolosha qoysaska reer Somaliland isagoo intaas raaciyay inay xog waraysiyo la soo yeelan doonaan Kun,Todoba Boqol iyo konton qoys.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in labaadaas Xog ururimood uu ku rajo weyn yahay sidii ay uga soo bixi lahayd aragti dhab ah oo ka Turjumaysa baahida wax ka qabashada rabta waxaanu ku booriyay ka qayb galayaashii tababarkaas in aqoonta ay kasbadeen uga faa’iideeyaan dalka iyo dadka.

Waxaa kale oo Halkaasi ka hadlay Najiib Xasan Xaashi oo ah Agaasimaha u qaabilsan Baanka Adduunka dalka Somaliland.

Sidoo kale Wasiirkii Hore ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday oo la taliye ka ah Mashruucan ayaa dhiniciisa ka sheegay in tababarkani uu noqon doono mid xidhiidh ah kana danbayn doonaan ilaa iyo Todoba Tababar oo kan la mid ah. Waxaa gebo gabadii Halkaasi ka hadlay Madaxa Mashruuca Baanka Adduunka u u qaabilsan Somaliland .

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com