Wasiirka Caafimaadka iyo Saraakiil Ka socday WHO oo Booqday deegaanka Dararweyne

Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxmed Maxamed(Xoog) ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Dararweyne ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Socdaalka Wasiirka oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan hayadda WHO iyo saraakiil ka tirsan wasaarada caafimaadka iyo madax kale, ayaa socdaalkoodu ahaa mid ku wajahan sidii ay xog buuxda uga helilahaayeen xaalada nololeed iyo fayo qab ee degaanadaasi.

Wasiirka caafimaadka Md. Xuseen Muxumed Maxamed, waxaa uu halkaasi warbixino uu kaga dhageystay masuuliyiinta deegaanakaasi iyagoo xusay baahiyaha dhinaca caafimaadka, waxbarashada iyo beeraha in laga gacan siiyo.
Intaa kadib Wasiirka caafimaadku waxaa uu kormeer ku tagay beeraha Dararweyne ee khudaartu ka baxdo, ceelasha biyaha iyo xarumaha caafimaadka.

Wasiirka caafimaadku waxaa uu hadal ka jeediyey hoolka shirarka ee degaanka Dararweyne, waxaanu balan qaaday in wixii suurto gal ah aanay dawladu ka hagran doonin, waxaanu dadweynaha reer dararweyne uu kula dardaarmay in ay sii laba laabaan waxsoosaarka dhalinyaradana ay ku jiheeyaan dhinaca tacabka waxsoo saarka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com