UCID Oo Casuumad Casho Sharaf Ku Sagootiyey Madaxda Laamaha Qurba-jooga

Hargeysa(Somaliland.Org):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa xalay casho-sharaf sagootin u sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta iyo madaxda laamaha qurba-jooga ee Xisbiga ee nasiibka u helay inay ka qeybgalaan doorashadii Golayaasha deegaanka Somaliland ee dalka ka qabsoontey 28 November 2012.

Munaasibadan Casho-sharafta oo ay sida wada-jira ugu sameeyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Iyo Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Siyaasi Jamaal Cali Xuseen,waxaana ka soo qeybgalay guddoomiyayaasha iyo laama dibada haweenka ee Xisbiga UCID.

Xafladan Casho-sharafta oo huwanayd guul uu Xisbigu ka soo hooyey doorashadii Golayaasha Deegaanka ee dhawaan dalka ka dhacday,isla markaana lagu bogaadinayey tiirarka adag ee Xisbiga UCID ee waddamada qurbaha ee dalka u yimid doorashada deegaanka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wejigiisa ka muuqatey farxad aad u balaadhan ayaa waxa uu u mahad-celiyey madaxda iyo laama Xisbiga UCID ee waddamada qurbaha ee kaalinta laxaad leh ka soo qaatey guushii Xisbiga UCID ka soo hooyey doorashada Golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontey.

“Waxaanu casuumadan idinku sameynay inaanu idinku sagootino, ILAAHAY mahaddiina waynu guuleysanay, waxaanan halkan uga mahad-celinayaa cidkasta oo ka hawlgashay sidii uu Xisbiga UCID u soo bixi lahaa ILAAHAY ayaa inoo qorey guusha aynu maanta gaadhnay”.Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen oo ay ka muuqatey dhoola-cadeyn iyo farxad baddan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta iyo madaxda laamaha waddamada qurbaha ee ka hawlgalay sidii uu Xisbiga UCID uga mid noqon lahaa sadexda Xisbi qaran ee guuleystay. “Waa ILAAHAY mahadii mar haddii uu Xisbiga UCID uu guuleystay, Waxaanan halkan hambalyo uga dirayaa taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaan waxaanan leeyahay isku duubnaada, wada-jira isku xidhnaada, waayo waxa la yidhi gacmo wada-jir ayey wax ku gooyaan”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Casuumadan casho-sharafta waxaanu u sameynay madaxda laamaha qurba-jooga ee hormuudka ka ahaa guusha uu Xisbiga UCID ka soo hooyey doorashadii Golayaasha deegaanka, markaa caawa(Xalay) aad ayaan u faraxsanay mar haddii dhamaanteen aynu wada faraxsanahay oo ay shucuurteenu isku mid tahay, waxaan leeyahay waxa weeyaan Guul-guul ku sug”.

Somaliland.Org/Hargeysa