Susan Rice oo Ka Hadhay Inay Qabato Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka

USA (Somaliland.Org)-Danjiraha u fadhiya Mareykanka Qaramadda Midoobay, Susan Rice, ayaa ka baxday tartankii ay ugu jirtay inay qabato shaqada Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa ka aqbalay go’aankeeda, laakiin waxa uu cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay weerarro aan xaq ahayn oo marin habaabin ah oo ay ku sameeyeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mrs. Rice waxa ay sheegtay inay uga joogtay si ay uga hortagto iska hor imaad dhaawac u geysta siyaasadda dalka.

Waxaa si xoog leh loogu dhaleeceeyay hadaladii ay sheegtay kadib weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday qunsuliyaddii Mareykanka ee magaalada Bengasi ee dalka Libya oo lagu dilay safiirkii Mareykanka ee Libya.

Senator John Kerry ayaa la aaminsan yahay inuu yahay qofka hadda ugu horreeya jagadaasi, oo ay bisha Janaury ka tageyso Hillary Clinton oo go’aansatay inay isaga degto.

Source: BBC Somali