Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirka kobcinta Beeraha Afrika oo lagu qabtay Ingiriiska

London (Somaliland.Org)- Safirka Somaliland u fadhiya wadanka Ingiriiska mudane Cali Aadan Cawaale shir balaadhan oo lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Ingiriiska oo lagaga hadlayay beeraha iyo cuntadda Afrika.

Shirkan oo uu soo qaban qaabisay Gudi Hoosaadka baarlamaanka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta beeraha iyo kaydka cuntadda. Waxaana shirkaasi lagu soo marti qaaday dalalka wadammada saxaraha ka hooseeya ee afrika oo ay ka mid ahaayeen Somaliland, Ghana, Zambia, Malawi, Sieraleon, Ethiopia, Kenya iyo Eriteria.

Madaxa guddi hoosaadka Baarlamanka Ingiriiska u qaybsan Beeraha iyo kaydka cuntada oo magiciisa la yidhaa Lord Cameron ahna mudane ka tirsan aqalka odayaasha ee UK oo hadal ka jeediyay shirkan ayaa sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado waxsoo saarka beeraha iyo kaydka cuntada ee wadamadaas.

Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Ingiriiska Md.Cali Aadan Cawaale oo shirkaasi ka jeediyay warbixin dheer ayaa ka waramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarka isa soo taraya ee ay ka sameysay dhinacyada waxbarashada, siyaasadda, dimuqraadiyadda iyo waxsoo saarka beeraha.

Danjiruhu waxa uu sheegay inay Somaliland caalamka u xaqiijisay inay xeebaheeda ganacsiga adduunku iskaga goosho iyadoo aanay ka cabsi qabin wax budhcad badeed ah, waxaanu yidhi “Somaliland waxa ka go’an inay biyaha badda casi noqdaan meel si nabad-gelyo ah oo ganacsiga qaaradaha dunida isaga gooshayaa ku maraan iyadoo aan laga baqayn weerarro budhcad-badeed. caalamkana aanu uga fadhino inay arrinta budhcad badeeda wada shaqayn waafiya kala yeeshaan Somaliland.”

Cali Cawaale Waxa uu carrabka ku dhuftay sida aqoonsi la’aantu caqabad ugu tahay kobcinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan wax-soo-saarka beeraha. isagoo sheegay inaanay Somaliland caalamka ka helin kaalmo toos ah oo hore loogu mariyo kaabeyaasha dhaqaale ee dalka ee ay ugu horreyso waddooyinka dalka oo beeralayda u fududayn lahaa suuq geynta tacabkooda.

Safiirka Smaliland ee dalka Ingiraiiska Mudane Cali Aadan waxa kale oo uu sharaxaad dheer ka bixiyay dalka Somaliland isagoo sheegay inay Somaliland ka mid ahayd 18-kii dal ee Afrika ee 1960-kii xarriyadda helay, wadan ahaana ay ahayd dalkii 4aad, halka ay Somalia ka jirtay kaalinta 7-aad. Waxaanu xusay xoriyada Somaliland iyo Soomaaliya ay u dhexeeyeen wadamada Madcasgar iyo Jamhuriyadda Congo.

Dhamaan safiirafdii ka socday wadamadaasi waxay dhammaantood ka warrameen wax-soo-saarka dhinaca beeraha ee dalalkooda, qorsheyaasha dawladahooda ee ku wajahan wax-soo-saarka beeraha iyo kaydka cuntada iyo baahiyaha dhinaca beeraha ee dalalkooda ka jira.

somaliland.Org/Hargeysa