Maxkamadda Gobolka Awdal Oo dhaarisay Golaha cusub ee deegaanka Boorame

Boorama(Somaliland.Org) Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Geedi Barre ayaa maanta si rasmiya xilkii xildhibaano ugu dhaariyey 20 xildhibaan ee degmada Boorama ee caasimada Gobolka Awdal waxaana ka maqnaa hal xildhibaan oo hawl magaalada kaga maqan.

Waxaa ugu horayntii madashaasi ka hadalay gudoomiyaha maxkmada gobolka Awdal oo yeedhiyey dhamaanba 64 xildhibaan ee degmooyinka Gobolka Awdal kuwaasi oo kala ah Boorama,Baki ,Saylac lughaya isla markaasina sheegay in ay ansixiyeen liiska xildhibaanada ay soo gudbiyeen dhamaanba gudoomiyayaasha komishanka ee degmooyinkaasi.

Ka dib waxaa halkaasi lagu dhaariyey dhamaanba xildhibaanada degmada Boorama oo tiradoodu dhanayd 20 xildhibaan isla markaasina waxaa uu gudoomiyaha maxkamada Gobolka Awdal kula dardaarmay xildhibaanada cusub ee Degmada Boorama in ay xilkooda u gudoon sidii ay ku dhaariteen isla markaasina waxaa uu sheegay in aakhiro lagala xisaabtami doono xilkaasi ay umada u qaadeen.

Ugu dambayntii waxaa madashii maxkamada Gobolka Awdal ka hadalay gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci oo waano iyo dardaaran uga soo jeediyey xidlhibaanada isla markaasina tibaaxay in ay ummada dhex u yihiin loona baahan yahay in aanay dib ugu noqon waxyaabaha xun ee umada kala fogaynaya sida qabyaalada .
Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame