Mashruuc Daadadka Lagaga Moosay Xarunta Biyo-soo-saarka Geed-deeble oo la Dhammaystiray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mashruuc muhiim ah lagu biyaha daadka dooxa lagaga moosay qaybo ka mid ah ceelasha biyaha xarunta biyo-saarka caasimadda Hargeysa ee degaanka Geed-deeble oo khatar ku jiray, ayaa la dhammaystiray wejigiisii koowaad.

Hawlgalkan oo moos adag oo ka samaysan dhagxaan iyo shabag si farsamaysan la isugu cabbeeyey cabbir dhan 400 mitir lagu taxay gidaarka dooxa weyn ee Geed-deeble oo ay ku teedsan yihiin ceelasha laga soo saaro biyaha lagu cabbo magaalada Hargeysa, si looga difaaca daadadka roobabka ee dooxaas, kuwaasoo halis cabsi badan ku hayey inay si fudud u galaan mashiinnada yaalla ceelasha dushooda, dhuumaha biyaha qaada iyo dhammaan nidaamka biyaha dadweynaha caasimaddu isticmaalaan.

Mashruucan oo ay ku baxday lacag dhan $150 kun dollar oo ay bixisay dawladda Norway oo soo marisay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP, isla markaana gacan ka gaystay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxa dhammaystirka wejigiisa kowaad si rasmi ah u furay masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wakaaladda Biyaha iyo UNDP oo booqday shalay xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble ee mashruucaas ballaadhan laga hirgeliyey.

La-taliyaha dhinaca mashaariicda ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Alla-magan oo ugu horreyn ka hadlay munaasibad loo sameeyey dhammaystirka wejiga 1aad ee mashruucaas, ayaa sheegay in daadka ka dhasha roobadka ee dooxa Geed-deeble dhibaato weyn ku hayeen xarunta biyo-soo-saarka ay tobankii sanno ee u dambeeyey ilaa saddex jeer daadadku waxyeello kala duwan u mishiinnada biyaha soo soo tuura iyo dhuumaha iyo qaar ka mid ah dhuumaha biyaha oo go’ay, waxaannu xusay in biyo-xidheenka cusub ee haatan wejigii koowaad la dhamaystiray uu waxtar wayn u yeelan doona biyaha magaalada Hargeysa.

“Inkastoo mashruucan oo lacagtiisu ahayd 150 kun dollar waxa uu ka qiimo badan yahay hal milyan oo dollar, waayo marka keliya ee daadku waxyeello gaadhsiiyo mashiinnada bilo dhan ayaa la biyo la’aanayaa, waxaannu ahaa waran mar walba innagu mudan. Imminka waxa gabyankan (mooska) lagu dhisay masaafo dhan 400 mitir oo ah halkii ugu darnayd ee biyuhu mar walba ka geli jireen xarunta. Waxa jirta qayb hadhsan ilaa 1km ah oo aannu u baahanahay in iyana mooska la dhigo,” ayuu yidhi Mr. Alla-magan.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa isna ku macneeyey mooska loo sameeyey xarunta biyo-soo-saarka mid waxtar badan u leh wakaalad ahaan oo inkastoo lacagtiisu aanay badnayn uu haddana dhibaato taagnayd ka daboolayo, waxaannu si weyn ugu mahadceliyey hay’adda UNDP.

“Sidaynu ognahay Hargeysa biyuhu aad bay ugu yar yihiin oo waxa aannu Geed-deeble ka soo saarno iyo magaaladu way kala badan yihiin, laakiin waxa dhib nagu ahayd oo werwerkeedu mar walba na hayn jiray in intaa yar ee aannu hayno haddii daad yimaad la waayaba. Maanta Ilaahay mahaddii dhibaatadii waa la yareeyey 50%, inkastoo qayb kale oo ilaa 1km ah oo uu ku yaal ceelka lixaad weli dhibaatadu ka taagan tahay, waxaanuna hay’adda UNDP annagoo tii hore uga mahadnaqayna ka codsanaynaa inay qaybtaasna gacan naga siiyaan,” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim Siyaad.

Sidoo kale, madaxa xafiiska hay’adda UNDP ee Hargeysa Mr. Stephen Kinloch, ayaa sheegay in mashruucan oo ay bixisay dawladda Norway uu muujinayo sida beesha caalamku u taageerayso shacabka Somaliland, isagoo xusay in mashruucan la geliyey meel muhiim u ah nolosha aasaasiga ah ee bini’aadamka oo ah biyaha, waxaannu uga mahadceliyey hirgelintiiisa dawladda Somaliland oo uu tibaaxay inay u tilmaantay meel dhibaato ka taagnayd.

Mid ka mid ah odayaasha degaanka Geed-deeble oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani baajin doono dhibaato badan oo daadadku ku hayeen xarunta guud ee biyo-soo-saarka oo taagnayd tan iyo sannadkii 1972-kii markii la hirgeliyey, isla markaana dadka degaanku shaqo ka heleen hirgelinta mashruucan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Mr. Siciid Axmed Jibriil, ayaa si weyn ugu bogaadiyey hay’adda UNDP iyo Wakaaladda Biyaha shaqada halkaas laga qabtay oo uu ku tilmaamay dadaal midho-dhal ah oo ku-dayasho u mudan cid kasta oo dalkan wax gelinaysa, waxaannu ka codsaday hay’adda inay u hawlgasho sidii difaac raandhiis ah loogu samayn lahaa xaruntan biyo-soo-saarka oo muhiimad wayn leh, isagoo ballanqaaday inay wasaarad iyo wakaalad ahaanba ka go’an tahay sidii loo dhammaystiri lahaa mashruucan.

Somaliland.Org/Hargeysa