Marxuum-Cabdilaahi Xaaji Xuseen Cumar Xaashi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Waxa maanta magaalada Caasimadda Hargaysa aas qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Xaaji Xuseen Cumar Xaashi oo ka mid ahaa aqoonyahanadii waaweynaa ee Dalka oo maalintii shalay ku geeriyooday dalka isu tagga imaaraadka Carabta.

Marxuumka oo ka mid ahaa Aqoonyahanadii dhinaca dhaqaalaha iyo Bangiyada ee Soaliland waxa uu muddo dheer ka shaqayn jiray hawlaha Bangiyada, isagoo shahaadada Master-ka ee dhaqaalaha ka soo qaatay Jaamacadaha Dalka Ingiriiska.

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed faarax, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, xildhibaanoiyo shacab aad u badan ayaa aaska marxuumka kaga qayb galay Magaalada Hargaysa
Somaliland.Org/Hargeysa