Machadka Faafinta Diinta Islaamka Oo Kulan wacyigelin ku saabsan Nabad-gelyadda ku qabtay Burco

Burco (Somaliland.Org)-Machadka faafinta diinta islaamka iyo wacyigalinta ayaa kulan lagaga hadlaayay qodobo ay ka mid yihiin xoojinta nabadgelyadda ku qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Kulankan oo ka dhacay Hudheelka Deero Internatinal Hotel ee magaalada Burco ay ka soo qaybgaleen dad tiradoodu gaadhaysay 150-xubood oo iskugu jiray cuqaal ,waxgarad ,aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa lagu soo bandhigay fikirka saxda ah ee ay diinta islaamku ka qabto tahriibka iyo is qarxinta.

Guddoomiyaha maxadka faafinta diinta islaamka ee Geeska Afrika Sheikh Maxamed Cabdi Yuusuf Nuur (Mooge) oo ugu horeyn kulankaasi sharaxaad ka bixiyay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Maxadkan faafinta diinta islaamka ,waxaanu dadka kaga wacyigalinaa waliba inta badan dhalinyaradda tahriibka ,isqarxinta ,waalid-inkaarnimadda iyo dabeecooyinka xun xun ,waxaananu ardayda ku wacyigalinaa meelaha iskuulada iyo meelaha kale ee ay ku kulmaan ,sidaa awgeed-na imika waxaanu go’aansanay in aanu xiitaa waalidiinta caruurta leh iyagana wacyigalino ,markaa walaalayaal waxaanu idin leenahay dhalinyaradeenii si ayay noqotay oo way tahriibayaan oo way isdilayaan ,anshax xumo ayay samaynayaan markaa kolay way idin dhibayaane waxaanu idinku wargalinaynaa in aydaan habaarin ee aydu waxyaabaha xun xun ee aynu soo sheegnay si degen uga wacyigalisaan “ Sidaasi ayuu yidhi Sheikhu.

Sidoo kale waxa uu Sheikh Maxamed Cabdi intaasi ku daray oo uu usoo jeediyay bulshada reer Somaliland in ay xoojinta nabad-gelyadda meel uga soo wada jeedstaan oo cidkastaa xil iska saarto.


Sheikh Mawliid Axmed Xasan oo isna ka mid ah culimadda waaweyn ee gobolka Togdheer oo isna halkaadsi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay fikirka dhabta ah ee diinta islaamku ka qabto tahriibka iyo isqarxinta ,waxaanu sheegay in ay diinta islaamu ka soo hor-jeedo islamrkaana waxa uu bulshada usoo jeediyay in ay ka fogaadaan asbaabaha naftooda mahlakada galinaaya ama khatarta .

Xil. Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) oo isna ka mid ah xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka Burco kana mid ahaa musharaxiintii tartamaysay ee dhacay oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Waxaanu leenahay hadaanu reer Burco qolyihii nabadgelyo-darada nagu sheegi-jiray ee odhan-jiray Burcaa laga istaadhaa waxaan leeyahay ogaada maanta Burco ayaa ugu amaan badane.

Md. Dibjir ayaa hambalyo u diray xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Burco ,waxaanu u mahad-naqay masuuliyiinta Maxadka faafinta diinta islaamka.,.

Geesta kale waxa iyana ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi ,Oday Nuux Xasan Cade ,abwaan Hure Walan Wal iyo marti sharaf kale waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen muhiimada iyo faai’idada uu leedahay wacyigalintan maxadka faafinta diinta islaamku uu dalka ka wado ,waxaaney dadweynaha reer Somaliland kula dardaarmeen in ay adkaynta nabad-gelyadooda dhinaca uga soo wada jeestaan.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco