“Gaboosoow Xabaalaha Malko Durduro ma geli karaan Kaftan siyaasadeed” Safiirka wareega

Hargeysa (Somaliland.Org)-Kaysar C/laahi Maxamed oo ah danjiraha wareega ee Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Dr. Gaboose ee uu ku sheegay in dimuqraadiyadii dalka lagu soo aasayo xabaalaha malko dururo ee magaaladda Hargeysa.

Safiirka oo socdaal shaqo ku jooga Hargeysa oo uu socdaal shaqo u yimid, ayaa ku dooday inaan waxyaabaha qaarkood aanay kaftan iyo dheel-dheel geli Karin. Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu shalay magaaladda Hargeysa ugu waramayay shabakada Somaliland.Org.

Md. Kaysar Cabdilaahi waxa uu tilmaamay inuu isbedel balaadhan ku arkay dalka labadii sanadood ee uu ka maqnaa, waxaanu yidhi “Dalka waxaan ku soo laabtay maalintii Khamiista ahayd, waxaana iigu danbaysay 2010-kii wakhtigii doorashada madaxtooyada, waxaana muuqata isbedal weyn, isbadalkaasi oo ka muuqda dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga, waxa meel walba ka muuqda oo aad la kulmaysaa dadweynaha reer Somaliland dedaalka ay ku jiraan.

Waxa kale oo aan la kulmay iyada oo xiligii doorashadu gabogabo ku dhaw dahay , natiijadii hordhaca ahaydna lagu dhawaaqay, doorashadaasi si fiican bay uga dhacday guud ahaanba dalka, goobjoogayaashii caalamiga ahaana iyo kuwa wadaniguba waxa ay sheegeen in doorashadaasi u dhacday si nabadgalyo ah, heerkeeduna uu waafaqsanaa doorashooyinka caalamiga ah, warbixinta oo dhamaystiran waxa ay soo saari doonaan marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah.”

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in goobjoogayaal ajanabiya oo tiradaa leh ay dalka yimaadaan, aniga oo danjire ahaan ka mid ahaa dadka xooga galiyay inay dalka yimaadaan. Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in doorashadaasi aanay aheyn sida dadka war xuma tashiilka ahi ay u buunbuuninayaan,”ayuu yidhi Danjiruhu.

Safiirka waxa uu intaasi ku ladhay “Marka hore waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa intii ku dhimatay, inta dhaawacantayna waxaan leeyahay Alle ha idiin fududeeyo oo ha idin shaafiyo.Waxaa dhawaan booqday intii dhaawaca ahayd wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo taliyaha ciidanka booliska, xukuumaduna intii itaalkeeda ah way la dedaali doontaa.”

Waxa uu xusay in cadowga dalku aanu jaanis ka heli doonin shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi “waxaan cadowga reer Somaliland u sheegayaa in kuwa Rabbi ka baryaya in doorashadu khalkhal abuurto, in dadka reer Somaliland dhibaato kasta ay aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyihiin, Somaliland ay tahay qaran jira oo leh geesiyaal iyo madax dhaqameed waayo arag u ah dhibaato kasta. Waxaan hambalyo u dirayaa guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise oo sheegay in aanu isagu wax mudahaarad ah ku baaqayn, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa dhammaan ururada iyo xisbiyada oo ka qaybgalay doorashada oo markii olaluhu socday iyo markii codayntaba, si wadaniyad leh uga qaybqaatay, waxaana ka rajaynayaa in natiijada doorashada ka soo baxda si wadaniyad leh u abqalaan.”

Danjiraha wareega ee Somaliland haddii aan ka waramo xafiiskaygan iyo hawshayda, danjireyaasha dadka Somaliland fariinta ay sidaan ee aanu ku shaqaynaa waa go’aanka shacabka Somaliland in Somaliland ay tahay qaran madaxbanaan intii xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyaa jirtayna waxaan samaynay horumar balaadhan oo la taaban karo, waxa dalka yimid wufuud heer caalami ah oo isdaba joog ah, iyada oo aanan haysan dhaqaalaha iyo awooda ay haystaan safiirada dawladaha la ictiraafsan yahay, haddana intii itaalkayaga ahna waanu dedaalnaa, anigu safiir ahaan waxaan maray dalal badan oo ay ka mid tahay dalka Maraykanka. “

“Dhawaan waxaa ii qorshaysan in aan maro dalal ay ku jiraan dawladaha Carabtu, anigu safiir ahaan waxaan wadaa in aan xukuumada u soo jeediyo fikrad odhanaysa in dadka reer Somaliland ee dibadaha jooga lacagaha ay soo diraan laga jiro 1$ qofkiiba, iyada oo loo marayo wadada sharciga ah, si wax loogu qabto ardayda Jaamacadaha, 1 $ doolar oo lagaga shaqaysiiyo meelaha danta guud ah, si ay shaqada qaranka ugu bartaan, 1 $ doolar waxa uu dalka ka badali doonaa wax badan,”ayuu intaasi ku daray Md. Kaysar Cabdilaahi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dadweynaha reer Somaliland ee dibadaha ku nooli waxa ay ka filayaan doorashada deegaanka in ay ka soo baxaan dad aqoonyahan ah oo wax ka qabta arrimaha bulshada.”

Safiirka oo ka hadlayay saxaafada Somaliland waxa uu yidhi “waxaa nasiib darro ah, in saxaafada qaarkood ay soo gudbiyaan warar naxdin leh oo dadka reer Somaliland ee dibadaha jooga ku abuuraya walwal, laakiin dadka reer Somaliland ee dalka gudihiisa jooga way ogyihiin xaqiiqada dhabta ah.”

“Inkasta oo dadka dibadaha jooga ay kalsooni ku qabaan in dhibaato kasta la xalin karo, saxaafada madaxbanaan ee Somaliland u soo jeedinayaa in haddii dhibaato yari dhacdo aanay buunbuunin, cadowga Somaliland aanay ka farxin, saxaafada waxaan u soo jeedinayaa in ay wax ka qoraan arrimaha aqoonsi raadinta oo ah baahida ugu weyn ee maanta taagan,”ayuu yidhi Safiirka wareega ee Somaliland.

Safiir Kaysar oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalka Dr Gaboose waxa uu yidhi “Marka hore waan soo dhowaynayaa in Gaboose aqbalo natiijada doorashada ee ay soo saareen guddida madaxbanaan, waxaase nasiib darro ah in isaga oo markii hore kalsooni u dhiibtay guddida doorashooyinka isaga iyo ururada kaleba, hadana Gaboose kalsooni darro ka muujiyay go’aankii guddida doorashooyinka soo saareen.”

Kaysar waxa uu sheegay in xabaalaha malko-durduro aanay kaftan geli Karin, waxaanu yidhi “waxaa weeye xabaalaha Malka Durdure ma noqon karaan kaftan siyaasadeed, waxa ku jira boqolaal geesi oo reer Somaliland ah, oo iyaga oo aan waxba galabsan la xasuuqay, Malka Durdure waa xabaalo wadareed sharfan oo iyagu aan waxba galabsan, isla markaana tilmaamaya xasuuqii shacabka loo geystay run ahaana waxa nasiib darro in nin siyaasi ah oo weyn oo Dr Gaboose oo kale ahi uu kaftan siyaasadeed ka dhigto, oo dad badan oo aan anigu ku jiro aabahood iyo eheladooduba ay ku duugan yihiin.

Waxaan Dr Gaboose iyo qayrkiiba uga degayaa in aanay meelaha xusuusaha taariikhiga ah leh aanay ka dhigan kaftan siyaasadeed, ururada iyo musharaxiinta hadhayna waxaan u soo jeedinayaa inay ku qancaan natiijada guddida doorashooyinku soo saari doonaan.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa