Ururka RAYS Oo Daboolka ka qaaday Inay aqbalayaan Natiijadda Maxkamadda Hargeysa

“Waxaanu Gudida Doorashada u soo jeedinaynaa Inay shuruud la’aan isku casisho ama xasaanadda laga qaado”

‘Waxaan Tacsi u dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyarayadii Ku geeriyootay Banaan Bixii Magaalada Hargeysa”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddomiyaha Urur-siyaasadeedka RAYS Md. Xasan Maxmed Cali (Gaafadhi) ayaa daaboolka ka qaaday inay Urur ahaan ku qancidoonan Natiijada ay soo saarto Maxkamada Gobolka Hargeysa ee ku saabsan doorashadii Golayaasha Deegaanka.

Guddoomiyaha RAYS waxa uu Guddida Doorashooyinka Somaliland ugu baaqay in ay iscasilan ama Xasaanadda Laga qaaddo, isaga oo ku eedeyey in ay ku fashilmeen Doorashadii Golaha deeganka ee dalka ka dhacday.

Xassan Gaafadhi iyo Masuuliyiinta Ururkaasi waxay sidaasi ku sheegen Shirjaraa’id oo ay Galabta ku qabteen Xafiiskooda Magalada Hargeysa.

Guddomiyaha Ururka Rays Xassan Gaafadhi ayaa shirkaasi ka akhriyay war murtiyeed u dhignaa sidan:-
“Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacabka Somaliland ,Waxaan Si Gaara Ugu Mahad Naqayaa Tageerayaasha Ururka Rays Meelkasta Oo Ay joogan, Taageeradii ay na siiyeen.

Waxaan Tacsi u dirayaa Eheladii Iyo Qaraabadii Dhalinyarayadii Ku geeriyootay Banaan Bixii Magaalada Hargeysa ay kaga Cabanayeen khaladaad ku yimid Codokii ay dhiibteen, waxaan ILAAHAY Ka baryayaa Inuu Intii dhimatayna u naxariisto Inta Dhaawaca Ahna Caafimaad Deg-dega Siiyo.

Intaas Kadib Doorashadii Kadhacday Wadanka Sida La wada Ogyahay waa mid guud ahaan dhalisay muran iyo shaki faro-badan Komishanka Qaranku marnaba ma buuxin Kaalintii Laga Sugaayay Waxaana Si Cad U Muujijyeen inaanay danba ka lahayn khaladaadka iyo wax Isdaba marinta Baahsan ee ku suntanayd maalintii Codbixinta iyo Maalintii Ka Danbeeysay oo ay Meelaha Qaarkood Codbixintu Ka socotay.

Waxa Gudida Doorashooyinaka Qaranku Natiijadii Hordhaca ahayd e Dagmada Hargaysa Ku Dhawaaqeen Bishan 6-deedi,Waxay Bisha 8-dedeedi Ku Dhawaaqeen Inay khalad ahayd dibna loo tirinayo Codadkii iyo Sanaaduuqda Codbixinta ee Dagmada Hargeysa.

Waxay Hadana Bisha 10-keedi Ku Dhawaaqeen inay Tirinta codadka Hargeysa dib uga noqdeen, intaas ayaa cid walba ku filnayd in gudidii loo xil saaray doorashada horseed ka yahiin masiibadii ka dhalatay doorashdii gacanta ku hayeen taas oo dhalin karta amaan daro mug-leh.

Waxaa Xaqiiqo ah Waxaa Hargeysa ka dhacay wax aad uga xumi in ay ka dhaceen dhammaan gobalada dalka, in doorashadii si nabadgalya ah ku dhacday layslama diideen, marka laga reebo dagmooyinka dilku ka dhcay intaas goob-joogayaashu way sheegeen, lakiin in fool-xumo aad u weyni ay dhacday cidna kamay qarsoonayn isku soo wada duuboo doorashadan dil-dilaac weyn ayay dhex-dhigtay shacabka soomaliland, mustaqbalka doorashooyinka hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana si culus ayay u dhawacaysaa.

Mawqifka Ururka Rays: yada oo ay adag tahay In Lagu Qanco Natiijada Hadana:

Markaanu Eegnay Baahida Nabdgalyo Uu Mudan yahay Shacabkayagu Sida Xalaasha Ah u Codeeyay Lakin La dulmiyay.
Markaanu La Tashanay Tageerayaashayadii Aragnayna Inay ku weyn tahay Wadaniyada,Midnimada iyo Ilaalinta qaranimadoodu Waxaanu go’aansanay Inaanu Aqbalno Natiijada ay Ku dhawaaqdo Maxkamadu ee Ah Doorashadii La galay 28-11-2012.
Waxaanu Soo Jeedinaynaa In Gudida Doorashada gacanta Ku Haysaa Shuruud La’aan Isku Casisho haddii ay taas garan Waydana Xasaanadda laga qaado.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeya
cumarmfaarax@hotmail.com