Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Eedo uu Dr. Gaboose u jeediyay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal maanta ka soo yeedhay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka UMMADDA , kaasi oo eedo qaawan u jeediyay xukuumadda oo uu kula gal-gashay guul darradda ururkiisa ka soo gaadhay doorashadii deegaanka.

Afhayeenka madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul oo caawa u waramayay shabakadda Somaliland.Org, ayaa jawaab waafi ah ka bixiyay dhawaaqii ka soo yeedhay Gaboose ee la xidhiidhay in dimuqraadiyaddii Somaliland la soo aasayo.

Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo daba socday hadalkii Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka UMMADDA ee lagaga adkaaday doorashadii Goleyaasha deegaanka, waxa uu yidhi “waxaan jecelahay in aan jawaab kooban ka bixiyo hadalka ka soo yeedhay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ummada Dr. Gaboose ee uu ku sheegay in la soo aasayo dimuqraadiyadii Somaliland, taasi waxay qadaf ku tahay shacabka Somaliland jiritaankiisa iyo rabitaankiisa, dimuqraadiyada dalkuna ma aha wax uu qof keli ahi hal-beeg uga dhigto masaaliixdiisa iyo rabitaankiisa, waana xaquuq aasaasi ah oo uu hirgelinteeda dastuurka dalku jideeyay, dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii dalka hore uga dhacay dadku wuu u bislaaday, amaana aduunka ayaan kaga helnay”.

Afhayeenku waxa uu sheegay in xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo ay tahay ta balaadhisay saaxada siyaasada iyo dimuqraadiyada wadanka, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo waxay ka shaqaysay oo ay ahayd tii balaadhisay saaxada siyaasadda ee furtay ururada siyaasaddeed ee cusub ee Dr. Gaboose ururkiisu ka midka yahay, ee qof kasta oo damac lahaa oo markii hore saddexdii xisbi ee jiray meel uu ka galo waayay uu ka faa’iidaystay, arrintaasina waxay xukuumadani shacabka kaga kasbatay taageero iyo sharaf, madaxwaynuhuna wuxuu ka dhabeeyay balan qaadkiisii xiligii lagu jiray ololihii doorashadii madaxwaynaha ee sanadkii 2010-kii”.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dr. Gaboosena waxaa u eg in uu hadaladiisii uu shalay hore u yidhi in uu maanta dib u akhriyo, hadalkiisana waa mid uu u jeedo ka leeyahay oo uu mixnad ku abuurayo isla markaana uu eedo qaawan oo aanay waxba ka jirin kula galgalanayo xukuumada”.

Md Dhuxul waxa uu sheegay oo kale in aanay xukuumadu wax faragelin ah ku samaynin doorashadii goleyaasha deegaanka iyo hawsha guddida doorashooyinka, waxaanu yidhi “xukuumada Somaliland wax faragelin ah kumay samaynin doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee dalka uga qabsoomay sida nabad geliyada ah, wixii khaladaad ah ee jirana in la saxaa waa mid munaasib ah laakiin cida arrintaa loo daba fadhiisanayaa ee ay shaqadeeda tahay waa guddida doorashooyinka qaranka ee uu hore u cadeeyay in uu ku kalsoon yahay garsoorkooda isla markaana uu saxeexay heshiiskii anshaxa doorashooyinka.”

“dimuqraadiyada Somaliland waa mid weligeedba jiraysa oo Somaliland la nool mana aha mid lagu aasayo rabitaanka Gaboose, hadalkiisuna wuxuu gaf ku yahay shacabka Somaliland waayo marka uu leeyahay dimuqraadiyadii ayaa la soo aasayaa macneheedu waxa weeye Somaliland ma jirayso, waxaynu doorashooyinka u samaynanaana waa in aynu aduunka tusno in aynu nahay dal dimuqraadiyada oo xor ah”.

Afhayeenka madaxtooaydu waxa uu sheegay in doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii bishii hore ay shacbigu kalsooni wayn siiyeen xisbiga KULMIYE ka dib markii sida uu tilmaamay ay ku qanceen waxqabadkii dhinacyada badan lahaa ee ay xukuumadu hirgelisay labadii sanadood ee la soo dhaafay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa