Wasiirka Warfaafinta oo Tallooyin culus u jeediyay Madaxda Saxaafadda oo uu kulan la yeeshay

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Kulan lagaga hadlayay doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto horumarka dalka, isla markaana uga fogaan karto waxyaabaha bulshada iska horkeenaya ayaa maanta lagu qabtay shalay xarunta wasaarada warfaafinta.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka wasaarada warfaafinta, wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saxaafadda kala duwan ee dalka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii saxaafaddu qayb laxaadle uga qaadan lahayd horumarka dalka, isla markaana aanay u buunbuun lahayn wararka bulshada khilaafka ku dhex keenaya.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur, waxaanu ka waramay ujeedada kulankan waxaanu tilmaamay in qarankan Jamhuuriyada Somaliland uu xil wayn uu ka wada saaran yahay dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta, kuwa madaxa-banaan iyo kuwa dawliga ah, loona baahan yahay in gacmaha la isqabsado.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelintu, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Bal waxaad isku daydaan inaad dib iskugu noqda oo waxaad moodaa cinwaanba, cinwaanka uu ka adag yahay ayaa jaraa’idka lagu soo qoraa.”


“Waxa la ii sheegay oo laygu yidhi waa lagu iibsadaa waxbaa jabay oo waxbaa gubay oo waxbaa baabay oo waa ta jabay jariiradaa sagaalkaba lama helo ayaa la yidhi. Ta wax caadiya qortana cidi ma qaadato ayaa la yidhi, dadkii ayaa diiday, bal taana in dadkii laftiisa in dib u soo celino inaga ayay inagu xidhan tahay oo saxaafaday ku xidhan tahay oo saxaafada dadka hogaamisee bal dadkeenii waxaad bartaan waxa wanaagsan ee qurux badan ee ina anfacaya, waxaan isku ognahay inaan hareeraha ka joogno.”

“Waxa jira cadaw badan oo doonaya inay dhaawacaan qaranimada Somaliland iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, markaa waxa loo baahan yahay inay saxaafadda Somaliland ay doorkeeda ka qaataan oo ogaadaan cadawgaas.”

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inay tahay waajib ina wada saaran sidii looga fiirsan lahaa waxyaabaha la qorayo, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Anigu mid waan idinku yeedhayaa oo bal waxaad samaysaan suxufiyiintan caalamiga ah sida ay u shaqayso ee idila midka u shaqeeya, waxa ila tahay wararka aad qoraysaan qiimo kuugu fadhiyo waa inuu bulshadana wax ku kordhinayaa maaha in bulshada ka cadhaysiinayo oo dhaqankeena, diinteena iyo xeerarka u yaala dhaawacayo.”

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa isaguna tilmaamay in aanu kulankani noqon doonin kii ugu horeeyey ee dhex mara masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta iyo saxaafada madaxa banana. “Bahda saxaafada in markasta aynu kulan yeelano oo wada shirno oo arrimaha wixii soo kordha ka wada hadalno waa waajib dhamaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland ina saaran, waana booska aynu kaga jirno waxa weeyaan waa bahda saxaafada.” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Mareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in saxaafada Somaliland tahay ta gacanta ku haysa horumarka Jamhuuriyada Somaliland, loona baahan yahay in xidhiidh joogto laga sameeyo sidii arrimahaasi looga wada qayb qaadan lahaa.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isaguna sheegay inay waajib qaran tahay, sidii dalkan iyo dadkiisa ay ugu shaqayn lahayd saxaafadu, isla markaana doorkeeda uga qaadan lahayd.
Dhinaca kale, waxa iyaguna hadallo ka jeediyay kulankaas qaar ka mid ah hawl-wadeennada warbaahinta madaxa-banaan.

Somaliland.Org/Hargeysa