Wasaaradda Shaqada & Bulshadda oo soo Gunnaanaday Olole ka Dhan ah Kufsiga Heerkiisa laga Dayriyey

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo gabogabaysay olole muddo 16 maalmood ay ka waday dalka oo bulshada laga wacyigelinayey tacadiyadda haweenka loo gaysto, gaar ahaan kufsiga.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey gunnaanadka ololahaasi oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xalay ku qabatay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen ururrada bulshada, dallada haweenka Somalilaund ee NAGAAD, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee wasaaradda la shaqeeya, masuuliyiin hay’adaha dawladda ka tirsan iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Cabdi Cabdillaahi Xasan oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa ka warbixiyey ololaha muddada 16-ka maalmood ah wasaaraddu samaysay oo uu sheegay inay ka fuliyeen dhammaan gobollada dalka, isla markaana ay bulshada kaga wacyigeliyeen tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah dumarka oo ay ka mid yihiin kufsiga, gacan-ka-hadalka, gudniinka iyo kuwo kale oo badan.

“Si gaar ah waxa qaranku la isula gartay oo aan la aqbali karin waxa la yidhaa kufsiga, shuruuc adagna laga soo saaro, waxa dhacaya waxaynaan maqal oo uu ka mid yahay kufsi-wadareedka oo gabadh yar oo bilaa dambi ah inta been loo sheego rag badani kufsadaan. Ololahana guul wayn baa laga soo hooyey midhaheedana waynu arki doonaa, ragga waxaannu u soo jeedinaynaa in aynu dhaqankeena iyo akhlaaqdeena wanaajino oo aynu si fiican ula dhaqanno dumarka,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Cabdillaahi.

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Somaliland Fadxiya Xuseen Jaahuur oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in tacaiyada ka dhanka ah xuquuqal-insaanka aan loo gaysan oo keliya dumarka, laakiin iminka tacayadiyo aan dhaqan iyo caado loo lahaan jirini ay soo kordheen oo loo gaysto carruur aad u yaryar oo inta badan da’doodu u dhaxaysa 5 ilaa 9 sanno jir, sidoo kalena kufsi-wadareedka oo maraya heer sare ay fududeeyaan hawlaha tiknoolajiga ee telefoonnada iyo internetka.

Marwo Caasha Cabdi Rooble oo ka socotay ururka BAAHI-KOOB oo adeegyo u fudiya dadka falalka kufsiga loo gaysto, ayaa ka dayrisay heerka uu dalka ka marayo kufsigu, waxaanay tidhi, “Dadka la faro-xumeeyo ee naloo keeno waxa ugu badan carruurta da’doodu ka yartahay 15 jirka, lixdii bilood ee u horreeyey sannadkan ilaa dhawr iyo kontan qof oo carruur u badan ayaa fara-xumayn loo gaystay, laakiin lixdan bilood ee dambe tiradaasi way libin-laabantay oo iminka waxaannu haynaa ilaa 170 qof oo carruur u badan ayaanu diiwaangelinay. Fara-xumayntani waxay maraysaa meel aad u foolxun oo aan indhaha laga qarsan karin oo ah carruur yaryar oo wax laga dayayo, waa in dawlad iyo shacaba dadaal xoog ah la galo oo lala dagaallamo arrintan,” ayey tidhi Marwo Caasha.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Garaad oo soo xidhay xafladaasi, ayaa aafo qaran ku tilmaamay falalka heerka kufsigu ka marayo Somaliland, “Kufsiga soo hadalqaadkiisa ayaaba xaaraan ah, wax dhaqankeena ku jiray maaha, waxaan isleeyahay waxa sabab u ah oo keenay balwado ay ka mid yihiin maandooriyayaasha, Qaadka iyo telefoonnada gacanta, carruur yaryar oo weliba wiilal 5 jir ah ayaa la kufsaday wax aynu maqalnay maaha.

Waxaan bulshada u sheegayaa yaa jecel in walaashii la kufsado, ninka sidaa samaynaya waxaan hubaa in nabsiga waxa uu sameeyey isaga ku dhici doonto, waxaan isleeyahay waa masiibo innagu soo koradhay. Haddba, masiibadaasi waxaynu kaga bixi karnaa olole culus oo culimaa’udiinku ka sheegaan masaajidada, ciidammada booliska oo tallaabo adag ka qaada dadka sameeya falkan, in la joojiyo habka dhaqanka ee odayaashu kaga wada xaajoodaan kufsiga, waxaan leeyahay maxkamadaha waajibkiina qaranimo guta oo yaanay dhicin in la yidhaa kiiska dibada ula baxa odayaasha,” ayuu yidhi Wasiir Garaad.

Waxa kale oo xafladda hadalo ka jeediyey dad ay ka mid ahaayeen, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Aamina Maxamuud Diiriye oo wakiil ka ahayd Marwada kowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamuud (Aamina-weris) oo ka baaqatay xafladda oo lagu martiqaaday, Agaasimaha Isku-xidhka haweenka Somaliland ee NAGAAD Nafiisa, Agaasimaha dallada naafada Somaliland ee SNDF Cabdifataax Xuseen Baladi, Shukri Xariir Ismaaciil oo ka socotay hay’adda HBA iyo saraakiil haween ah oo ka socday hay’adaha World Vision iyo UNHCR, kuwaas oo dhammaantood muujiyey dareenno ka dhan ah falalka tacadiyada kufsiga loo gaysto dumarka iyo carruurta, iyagoo bulshadana ugu baaqay in la iska kaashado joojintooda.