Urur Dhalinyaro Oo Baaq U jeediyay Shacbiga Somaliland

Beesha caalamku waxaay il dheer ku eegaysaa habka dawaladnimada Somaliland u dhaqan gashay iyo hanaanka nabadgelyo ee aynu ku talaabsanay mudada dheer.

Walaalayaal Nabadgalyada oo aynu wada ognahay qiimaha ay leedahay ayaa noqonaysa mid aynu inagu ku nool nahay laakiin aan iyadu innagu noolayn , waxa aynu si fiican u wada ognahay dhibaatooyinkii iyo durufihii qalafsanaa ee aynu kazoo gudubnay.

29/Oct/2008 oo dalka ka socdeen hawlihii olalaha diwaan gelintu wixii hargaysa ka dhacay cid waliba way garan kartaa waxaan shaki ku jirin kuwii falalkaa arxan darada ah gaystay in ay maanta dalka kula joogaan iyagoo raadinaaya fursad ay uga faa’idaystaan sidii ay u khal khal gelin lahaayeen nabada midnimada iyo qarannimada Somaliland.

Hadaba waxaanu baaq u diraynaa guddida komishanka doorashooyinka qaranka ,Dawlada ,ururada Axsaabta qaranka ,Shacabka reer Somaliland iyo dhammaan waalidiinta .waxaan leenahay haddaynan noqon dad ka damqada xumaanta hadaynan niyada jabkii iyo hoogii loo soo maray dawladnimada Somaliland hadaydaan xasuusan xasadka iyo war xumo tashiilka doonaya inuu kala dilo dadkeena wada dhashay hadaydaan meel uga soo wada jeesan cadawga dhexdeena ku jira ee waagii beryaba u tafa xaydan sidii loo wiiqi lahaa loona ma jaro habaabin lahaa masayrka qarannimada Somaliland.

Qof walooba waxaad ogaata in aaney dhici doonin xorriyada iyo nabadgelyo ,inan qofna qof u tegi doonin in aan waxbarasho ,cafimaad ,shaqo ,guur iyo nolol mid suur gal noqonayn nabad gelyo la’aanteed.

Qof walba ha ogaado ninka doorashada helayaa inuu yahay walaalkii ka laga helayaana yahay walaalkii ,doorasho hadii la gallo waxaa la gallay imtixaan .imtixaankana qofna wuu guulaystaa qofna wuu guul daraystaa
Xaqiiqdu waxa ay ku jirtaa guusha iyo guul daradu in ay yihiin laba is garab socda haddii lagaa badiyo maad dhiman ee dhib ha gaysan .
Ugu danbayntii waxaanu komishanka doorashooyinku ugu baaqaynaa in ay ka fiirsadaan natiijada oo si cadaalada u kala guran una qanciyaan masuuliyiinta ururada iyo musharixiinta.
Xukumada waxaanu ugu baaqaynaa adkaynta nabad gelyada iyo ilaalinta cadaalada ,waa in ay u sinaadan umada.
Urarada siyaadada iyo musharixiinta waxaa u gu baqaynayaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay xasuusnadaa wixii la soo maray.
Ururweynaha Nabada Iyo Dhaqanka Somaliland waxa uu kusoo afmeerayaa baaqiisan tixda gabayga ah:
•Nin colaadi haysaa ma-ledo nabad la’aanteede
•Naaxi maayo ruux barakacay nabad la’aanteede
•Nuujin mayso hooyadu ilmaha nabad la’aanteede
•Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane
•Negaan maayo noolaha qalbigu nabad la’aanteede
•Nina aamin kuma seexan karo nabad la’aanteede
•Nafis iyo xarago way fogtahay nabad la’aanteede
•Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane
•Nidaam maamul lama gaadhi karo nabad la’aanteede
•Naf xuquuq helaysaan jirayn nabad la’aanteede
•Nina ceel horwayn umatubeen nabad la’aanteede
•Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane
•Nina xoriyad kuma faani karo nabad la’aanteede
•Nin cadaalad helayaa majiro nabad la’aanteede
•Nina Baayac-moshtori muu noqdeen nabad la’aanteede
•Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane
•Nina ubad Iskuul uma dhigteen nabad la’aanteede
•Nina dabaqyo sare muu dhisteen nabad la’aanteede
•Nina siyaasad kuma loolameen nabad la’aanteede
•Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane
•Nin jeclaada Gabadh baan jirayn nabad la’aanteede
•Naaruuriyo dhaqaalaan jirayn nabad la’aanteede
•Nuxusbay colaaduhu dhalaan nabad la’aanteede
•Nin walowba noloshaada dhawr nabada weeyaane

Email: sopaco2012@hotmail.com
Gudoomiyaha
Ururka Nabada iyo Dhaqanka Somaliland ee Sopaco
Mustafe Mohamed Elmi (Mustafe Daad )