Shir Ku saabsan Daadejinta Hanaanka Waddooyinka Oo Ka Furmay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Kulan hawleed ku saabsan sidii guud ahaan dalka Somaliland loogu daadejin lahaa hanaanka waddooyinka ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirrada wasaaradaha madaxtooyada Md. Xirsi cali X. Xasan iyo Hawlaha Guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka kla socday wasaarada arrimaha gudaha iyo Dawladaha Hoose ayaa waxa kale oo ka qayb galay xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali X Xasan oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in waddooyinku yihiin kaabayaasha dhaqaalaha ee ummad kasta, gaar ahaana Somaliland oo ah dal soo koraya ay hagaajinta hanaanka waddooyinku muhiimad gaar ah u leeyihiin.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa caddeeyey in Xukuumadda Somaliland ay waddooyinka iyo horumarintoodu ugu jiraan qorshayaasha koowaad ee ay hirgelinayso.

Wasiirka wasaaradda hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in himiladani ku timid markii la arkay khasaaraha maalinba ta xigta isa soo taraya ee ka dhaca waddooyinka, waxana wasiirku tibaaxay in qorshahan ay ka mid tahay in meel kasta la dhigo gudiyo muruqmaalo ah oo heegan ah oo ilaalo joogto ah ka hayn doona dhaawacyada soo gaadha dhismaha ay waddo leedahay.

Md. Xaabsade waxa uu sheegay in qorshaha hanaanka hagaajinta waddooyinka Somaliland ay qayb ka tahay in dabagal lagu sameeyo qandaraasyada lagu bixiyo hagaajinta waddooyinka si aanay dib ugu soo noqnoqin burburka mar kasta ku yimaadda waddooyinku.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com