Murashax Gaboose Ku Eedeeyay Inuu Codkiisii ku soo saaray xubno ay Isku Hayb yihiin

Hargaysa (Somaliland.Org)- C/laahi Xasan Digaale oo ka mid ahaa mushariixtii urur siyaasadeedka Ummada uga tartamayay gobolka Maroodi-jeex ee hadhay, ayaa gudoomiyaha ururka Ummada Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku eedeeyey inuu ka musuqay codadkii uu helay islamarkaana uu ku soo saaray codadkiisii saddex murashax oo ay isku hayb yihiin.

waxa sidoo kale murashax C/laahi Xasan Digaale uu tilmaamay in ururka Ummada gudihiisa ay cadaalad darro baahsani ka jirto. sidoo kale Md Digaale ayaa ku dhaleeceyey guddida doorashooyinka Qaranka wax-is daba marin.

musharax C/laahi Digaale waxa uu sidaas ku sheegay shir jara’id oo uu maanta ku qabtey magaalada Hargeysa.

isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ururka Ummada waxa ka dhex jira cadaalad darro baahsan, Dr. Gaboose waxa uu iga musuqay codadkii aan helay, waxaanu ku soo saarey saddex nin oo ay ilma adeer yihiin. beesha aan ka soo jeedo ee Gabooye lixda gobol ee dalka iyo degmooyinkaba hal xildhibaan ugama soo bixin”.

C/laahi Xasan Digaale, waxa sidoo kale uu cadaalad darro ku ee eedeeyey guddida Doorashooyinka Qaranka, isaga oo sheegay in coddadkii uu heystay boqolkiiba sodon ay kaga shubteen. waxaanu yidhi “waxaan heystay 2858 cod, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, natiijadii ay soo saareeen waxay iisoo qoreen 1658 cod, markaa 1200 cod ayaa ka dhiman codadkii aan heystay, taasina waxay muujinaysaa wax isdaba marinta Komishanku ku kacay”.

Somaliland.Org/Hargeysa