Madaxweyne Siilaanyo Oo Komishanka U soo jeediyay inay soo saaraan natiijo saafi ah oo lagu qanco

Madaxweynuhu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhalatay shaacintii Natiijadii Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka oo ka dhacday Magaalada Hargaysa ayaa farriin u diray shacabka Somaliland iyo Gudida Doorashooyinka qaranka, Hay’adaha xuquuqul insaanka Qarankana kula dardaarmay inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey doorashadii Golaha deegaanada ee dhowaan dalka ka qabsoontay ayaa waxa uu sheegay inay u dhacday si nabadgelyo ah laakiin waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in natiijadii ka soo baxday uu dhaawac soo gaadhay, waxuuna ku adkeeyey gudida doorashooyinka Qaranka in shacabka Somaliland iyaga ka sugayo natiijo saafi ah oo dhamaan lagu wada qanco.

Dhanka kalena madaxweynaha JSL waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii ka dhacday Doorashadaasi. Isagoo shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgelyada danta qarankana meel uga soo wada jeestan.

‘’Cidna ka ogolaan mayno inay carqaladayso amniga iyo xasiloonida Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu munaasabadaasi ka sheegay in Somaliland ay qaadatay ilaalinta xuquuqda aadamaha, dawlad ahaana la sameeyey kummishinka xuquuqul insaanka oo u xilsaaran maamulka iyo ilaalinta xuququuqda aadamiga.


Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay Madaxweyne ahaan isaga ka go’an tahay ilaalinta iyo daryeelka xuquuqda aadamaha, halka sidoo kalena uu bulshada Somaliland u jeediyey inay ku dhaqmaan ilaainta xuqquuqda dhexdooda iyadoo looga dambaynayo gudida xuquuqul insaanka qaranka.

Munaasabadaas waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Kummishinka Xuquuqul insaanka Qaranka Marwo Farxiya Xuseen jaahuur iyo wasiirka Wasaaradda cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo kuwo kale.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com