Salaadiin Difaacay Hanaankii doorashadu uga qabsoontay gobolka Awdal

Hargeysa (Somaliland.Org)- Qaar ka mida odayaasha iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa sheegay in ay doorashadu gobolkaas uga dhacday si cadaalad ah.

Waxa kale oo salaadiinta iyo wax-garadkan ka soo jeeda gobolka Awdal baaq u soo jeediyeen ururada tabashada ka muujiyay natiijadii hordhaca ahayd ee lagu dhawaaqay iyagoo u soo jeediyay in ay nabagalyadda dalka ilaaliyaan, cabashadodana ay u maraan qaab shariga waafaqsan.

Salaadiinta ayaa waxay sidan ka sheegeen mar ay maanta warbaahinta uga waramayeen Magaaladda Boorame.
Suldaan Maxamed Axmed Xasan oo ka mid ahaa salaadiintii ka hadashay kulankaas ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay doorashadii goleyaasha degaanku hanaan hufan uga dhacday gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Anagu waxaanu leenahay doorashadu guud ahaan gobolka Awdal iyo degmooyinkiisa waxay uga dhacday si cadaal ah oo hufan.”

Suldaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu baaq u diray ururada saluugsan sida doorashadu u dhacday, isagoo u soo jeediyay in ay ku qancaan wixii natiijada ka soo baxay cabashadoodana u maraan sharciga, isagoo arrintaa ka hdlayana waxa uu yidhi “Ururadu iyo xisbiyadii tartamayay waa in ay ku qancaan wixii ay ka heleen natiijadii lagu dhawaaqay, cidii cabanaysaana waa in ay cabashadooda u maraan sifo sharic ah.”

Salaadiinta ka hadashay sidii doorashadu uga dhacday gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa suldaan Maxamed Axmed Xasan, Maxamed Cali Maxamed, Garaad Maxamed Sh. Cumar (Barkhadle), Axmed Cawaale, Maxamuud Xuseen Wanaaje iyo Xasan Yuusuf. Cuqaashan ayaa waxay bulshada ugu baaqeen in ay meel uga soo wada jeestaan wax kastoo wayeeli kara nabada iyo deganaashahooda oo ay qiime wayn ku joogta dhiig badanina uu u daatay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com