Komishanka Maamul Wanaagga oo warbixin ku saabsan maalinta la dagaalanka Musuq maasuqa soo saaray

Hargeysa (Somaliland.Org)-Iyadoo manta ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa Somaliland dhankeeda Kommishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxuu maanta ka warbixiyey waxqabad sanadeedkii xafiiskaasi ee sanadka 2012.

Gudoomiyha Komishinka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumud Madar oo uu weheliyo Gud/xigeenkiisa Xuseen Cabdilaahi Jaamac ayaa warbaahinta ugu waramay xarubta guud ee komishankaasi ee magaalada Hargaysa.

Gudoomiye Xigeenka Komishankaasi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in musuqmaasuqu yahay aafo dhaqaale iyo mid dhaqan loona baahan yahay in wax muuqda laga qabto, isagoo intaasi ku daray in musuqmaasuqu uu geli karo habka shaqaalaynta iyo ku takrifal awoodeed.

Gudoomiyaha Komishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa faahfaahin ka bixiyey musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay aafo ciddii ay ku dhacdo dhaxalsiisa dib u dhac dhinacyo badan ah. Halka sidoo kale uu sheegay in xafiiskiisu shaqaynayey muddo labo sano ah, isagoo ka dhashay ballanqaadkii xisbiga Kulmiye yagleelidiisuna ay tahay mid ka turjumaysa in balanqaadkaasi laga dhabeeyey.

Gudoomiye Madar oo ka hadlay talaabooyinkii ay xafiis ahaan qaadeen mudadaas labada sano ahayd ayaa sheegay in hawlgaladii la sameeyey ay saameeyeen wasaarado kala duwan sida waaxda gaadiidka ee wasaaradda caafimaadka, mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsanaa oo lagu eedeeyey raashin macaawimo ahaa oo la leexsaday iyo wasaaradda kalluumaysiga oo labo haamood oo kalluunka lagu kaydiyo ka soo qaaday berbera ku lug yeelatay, iyo hawlwadeenada kumishinka oo kormeero ku samaynayey doorashadii golaha deegaanka ee dhowaan dalka ka qabsoontay. xilli uu gudoomiyahu sheegay in shaqaale kala duwan la siiyey tababaro ku saabsan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Somaliland.org/Hargeysa