Hargeysa: Tababar Hargeysa uga furmay Xirfadleyaasha Caafimaadka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Gurey) ayaa maanta tababar socon doona muddo labo cisho ah u furay xirfadlayaasha caafimaadka ee Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Tababarkan oo ujeedadiisu tahay maareynta aadamaha iyo helitaanka xogtooda (Human Resource Managemant) ayaa agaasimaha guud waxa uu ku sheegay inay tahay arrin aad u muhiim ah, isla markaana waaxda wasaaradda u qaabilsan arintani ay tahay mid haysa mas’uuliyad balaadhan.

Md Cabdi Gurey waxa uu sheegay in habsami uga faa’iidaysiga shaqaalahu ay tahay sababta koobaad ee lagu kala hormaro dunida oo dhan isla markaana maaraynta iyo farsamada shaqaaluhu ay tahay shayga keliya ee kala horaysiin kara wasaaradaha iyo hay’adaha Dawladda.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha horumarinta iyo tababarada ee wasaradda caafimaadka Axmed Cismaan Shiine oo sheegay in loo baahan yahay in xogta la helay qiyaas lagu sameeyo ka hor inta aan Data-da la gelin, in aqoonta shaqaalaha kor loo qaado iyo in la sameeyo xidhiidh isku xidhan oo gobolada iyo degmooyinka ah.

Somaliland.org/Hargeysa