Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Oo Qabtay Shidaal Kootarabaan Ah oo la keenay Yeman

Berbera (Somaliland.Org)-Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland ayaa saaka waabarigii gacanta ku dhigay shidaal kootarabaan ah oo si qarsoodi ah looga soo dejiyay xeebta Geeri oo dhinaca galbeed ka xigta magaalo xeebeedda Berbera, shiidaalkaasi oo laga soo waariday dalka Yeman.

Shidaalkan lagu qabtay Geeri ayaa ah 65 jirikaan oo Naafto ah waxa kale oo lagu qabtay laba gaadhi oo kala ah Landcruiser iyo Waaraad iyo waliba shan nin, halka ay baxsatay doonidii siday shidaalkaas oo ciidanka ilaaladu sheegeen inay aqoonsadeen oo ay tahay dooni hore Somaliland uga haysatay ruqsad kalluumaysi.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Gen. Axmed aw Cismaan, ayaa u xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen shidaalkan naaftada ah ee qaabka kootarabaanka ah dalka loo soo galinayay oo laga keenay dalka yemen.

Taliyaha ciidanka illaaladda xeebaha oo ka hadlayay arrintaasina waxa uu yidhi “Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa gacanta ku dhigay 65 jirikaan oo ay ku jiraan shidaal naafto ah oo kootarabaan ah lagana keenay dalka yemen iyo laba gaadhi iyo waliba shan nin. Waxaana baxsatay doonidii shidaalka siday oo aan la qaban laakiin waa lagaranayaa oo dalka ayay ka diiwaan gashantay waxaanay leedahay oo dalka jooga wakiiladeedii oo la helayaa.” Talaabadan ayaa qeyb ka ah ciidanka illaaladda xeebaha oo mar walba heegan adag kaga jira biyaha Somaliland.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com