“Waxaan idiin cadaynayaa xisbiga KULMIYE ma uu samayn wax ku shubasho ah”

“Cida ku qanci wayday ee leh wax baa iga khaldan waxa u furan inay maxkamadda tagtaa”

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay inay xisbigiisu ku shubtay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii bishii November 2012.

“Horta mid baan idiin cadaynayaa xisbiga KULMIYE ma uu samayn wax ku shubasho ah, horta cid xisbi ah oo inta ay ii soo martay maxkamad, komishan ama toosba iigu timid oo leh waxaas ayaanu kaaga cabanaynaa ma jirto, tuulo iyo degmo qudha midna kama hayno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Qofkii tartama ee sidii uu doonayo u dhici waydaa, qofkaasi waxa uu daydayaa inay wax ka khaldan yihiin iyo in kale. Gobol walba natiijadii soo baxday iyo sanduuq walba codkiisii waxa noo soo gudbiyay Komishanka. Komishanku sidii uu wax u tirinayayna qeyb baanu ku lahayn oo goob walba waxa noo joogay goob joogay.”

“Cida ku qanci wayday ee leh wax baa iga khaldan waxa u furan inay maxkamadda tagtaa oo ay tilmaantaa goobta ay ka cabanayso oo ay maxkamadu go’aan ka gaadho. Taasina waa awood aanaan anaggu (KULMIYE) ahaan shaqo ku lahayn,”ayuu yidhi Muuse Biixi oo galabta u waramayay HCTV.

Md.Muuse Biixi waxa uu xusay inaanay jirin xisbi ama urur awood u leh inuu faro-geliyo codadka murashaxiinta.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay qabsoomidda doorashooyinka ayaa uga mahadnaqay kaalintii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qaatay hirgelinta doorashada iyo sidii xukuumadda oo kaashanaysa Shacbigeeda ay u sugtay amniga xiligii doorashadu dhacaysay.

Md. Muuse Biixi waxa kale oo uu ku ammaanay gudiga Doorashooyinka qaranka, ururadaii ka qayb galay doorashada iyo musharixiintii tartamayey isagoo uga mahadnaqay ururada caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah kaalintii ay ka ciyaareen geeddi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com