Wasiirro ka qeyb galay shir loogu gogol xaadhayay siyaasadda wasaaradaha fuliya adeegyadda bulshadda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirrada wasaaradaha Hawlaha Guud iyo deegaanka Md Axmed cabdi Xaabsade iyo maxamuud Siciid gacamey oo uu wehelinayey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka gobolada iyo degmooyinka JSL Md. Cismaan garaad Soofe ayaa maanta ka qayb galay kulan balaadhan oo la isku waafijinayey laguna wacyigelinayey wasaaradaha qaabilsan adeegyada bulshada ee heer Qaran,si loogu gogol xaadho diyaarinta siyaasadda heer qaran ee u adeegidda bulshada kaas oo ka qabsoomay Magalada Hargaysa.

Sida ay ku Waramayso Wakaaladda wararka Somaliland ee Solna kulankan oo sidoo kale looga gol leeyahay sidii loo daadejin lahaa hawlaha maamulka adeega bulshada ayaa waxaa ka qayb galay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Caafimaadka qorsheynta iyo waxbarashada.

Md Cismaan Garaad soofe wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha Gudaha ee maamulka gobolada iyo degmooyinka oo kulankaasi ka hadlaya ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada shirkaasi oo uu ku sheegay inuu yahay maamul daadejinta iyo adeegga bulshada oo qorshaheedii shanti sano ee u horeeyey uu dhamaaday hadana lagu talo jiro in la bilaabo shanta sano ee soo socda iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradihii laga helay shanti sano ee hore.

Agaasiamaha horumarinta gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda arimaha gudaha Md Maxamed Cali oo isna hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa tilmaamay siyaabaha ugu fudud ee barnaamijkan lagu hirgelin karo, halka sidoo kalena uu ka soo qayb galayaasha ku dhiirrigeliyey inay fikradahooda ku taageeraan dejinta qorshayaasha lagama maarmaanka u ah maamul daadejinta iyo u adeegidda bulshada.

Somaliland.Org/Hargeysa